
Berbera, 27 March, 2014-(Himilo)- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo ee laga soo doorto gobolka Selel, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu illoobay dhagax-dhigga Dekedda Saylac oo ah Deked qadiimi ah, ka dib markii uu Safarkii uu bishan ku soo maray gobollada Galbeedka iyo Bariga uu ku soo dhagax-dhigay Dekedo laga hirgelin doono deegaannada Lughaya iyo Laas-qoray.
Xildhibaan Cali Aareeye oo ah Mudanaha keliya ee gobolka Selel laga soo doortay gaar ahaan Beeshiisa ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu hadal ka jeediyey Munaasibad lagu dhagax-dhigayey Xafiiska Baarlamaanku ku yeelan doono magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Salaasadii dorraad.
Waxa uu Xildhibaan Aareeye ku dooday in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) safarka muddada sagaalka maalmood ah qaatay ee uu ku maray gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland iyo weliba deegaannada Xeebaha uu ku dhagax-dhigay Dekedo kale oo dalku u baahnaa, hase-yeeshee uu illaabay Dekedda qadiimiga ah ee Saylac.
"Marka Somaliland la-yidhaa Dekeddo qadiimi ah oo Magac weyn leh oo la garanayo, oo layaqaan oo Taariikhiya waxa jira Dekedaha Berbera iyo Saylac. Laakiin, Madexweynuhu Dekedda Saylac wuu illaawaye, waxaan leeyahey mar kale ayuu u soo noqon doonaa, haddii Illaahay yidhaa ee Odayga weyna Shahaado wayn ayaa markaa la guddoonsiinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Ibraahin Aareeye.
No comments:
Post a Comment