Sunday, March 23, 2014

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Dagaal culus Al-Shabaab kaga qabsaday Degmadii 8-aad




Qoryoolay, 23 March, 2014(Himilo)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ayaa la wareegay gacan-ku-haynta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose oo sannadihii ugu dambeeyay ay Maamulaysay Kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab.


amisomDagaal culus oo shalay deegaankaas ka dhacay, ka dib ayay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ka socda ee dalkaas ku sugan, waxa u suurta-gashay in ay la wareegaan degmadaas, inkastoo weli gudaha degmadaas illaa xalay laga maqlayey Rasaas mararka qaarkood dhacaysay. “Waxaa degmada soo galay Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan Taangiyo (Kaarayaal).” ayay Warbaahinta Soomaaliya u sheegtay Haweeney ka mid ah dadka degmadaas ku nool oo magaceeda sababo ammaan u qarisay.


Lama oga xaddiga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkii Qoryooley lagu qabsaday Sabtidii shalay, hase ahaatee, Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee hoggaaminayay dagaalka, Saxaafadda u sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka ay Al-Shabaab kaga saareen degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha Hoose.


Sidoo kale, Weriyeyaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib oo la socda Ciidanka huwanta ah ee Qoryooleey la wareegay, ayaa sheegaya inaanay weli arag dhimashada labada dhinac ee dagaallamaya, xaaladduna ay tahay mid dagaal. Weriyaha laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Maxamed Ibraahin Macallimow oo ka mid ah Suxufiyiinta Ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM la socday oo u warramayey Idaacaddaas, ayaa yidhi; “Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku socdey laba waddo ayaa saaka aroortii hore (shalay subaxnimadii hore) weerar ku qaaday degmada Qoryooley, waxaase hadda (shalay) gudaha u galay Qoryooleey Ciidamadii kasoo dhaqaaqay degmada Jannaale, kuwii kalena dibedda ayay weli ku sugan yihiin.”


Taliska AMISOM oo dagaalka ay shalay Kooxda Al-Shabaab kaga qabsadeen degmada Qoryooley, ayaa iyaguna sheegay in degmadaasi ay noqonayso tii Siddeedaad oo ay Ciidammadooda iyo kuwa dowaldda Soomaaliya ay ka qabsadaan Al-shabaab afartii toddobaad ee ugu dambeeyay oo ay xuseen inay hawlgallo dagaal oo qorshaysan ku qaadeen afartii asbuuc ee ay shalay ugu dambaysay, iyagoo ku dooday inaanay joojin doonin ee ay dagaallada Al-Shabaab ka dhanka sii laba-jibbaari doonaan sida ay hore u ballan-qaadeen iyaga iyo dawladda Soomaaliya oo wada-jiraa.


Al-shabaab ayaan weli ka hadal dagaalka shalay lagaga saaray degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli Madaxda dowladda Soomaaliya ay ku cel-celinayeen inay sannadkan 2014-ka soo af-jarayaan sii jiritaanka Kooxda Al-shabaab oo ay marar badan iyaga iyo Teliska AMISOM ku hanjabeen inay xididdada u siibayaan Kooxdaa, isla markaana soo celinayaan nabadgelyada iyo degganaanshaha uu u baahan yahay dalka Soomaaliya oo 22-kii sano ee u dambeeyey ay dagaallo hadba weji yeelanayey ka socdeen.


                                         


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment