Muqdisho, 30 March, 2014 (Himilo)- Raysal-wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya ee Xukuumaddii reysalwasaare Saacid ahaydna Wasiirkii Arrimaha Dibedda Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay ka mid noqotay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay buuxisay jago bannaanaatay, iyada oo isla shalayba loo dhaariyey xubinimada Baarlamaanka.
Foosiya waxay si rasmi ah uga mid noqotay Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo beddeshay Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jamac oo iska casilay xubinimadiisii, waxaanay wararka hordhaca ah ee laga helay sifaha ay Marwo Foosiya ku buuxisay booskaasi sheegayaan inuu jiray heshiis dhinaca dhaqaalaha ah oo dhex-maray iyada iyo Mudanaha is-casilay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan degmada Hargeysa.
Marwo Foosiya oo lagu dhaariyey fadhi shalay uu Baarlamanka dalkaasi yeeshay, ayaa waxa hadalladeedii ka mid ahaa, “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka,” ayay tidhi oo lagu dhaariyey Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan markii la dhaariyey.
Foosiya waxay ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Soomaaliya Xukuumaddii uu Raysal-wasaaraha ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay Foosiya sidoo kale u ahayd Raysal-wasaare Ku-xigeen, waxay intii ay xilka haystay booqashooyin shaqo ku tagtay dalal kala duwan oo caalamka ah oo ay ka mid ahaayeen, Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Beulgume, inta badan dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Koonfurta Suudaan, waddammo badan oo Carabta iyo Yurub-ba ka tirsan oo ay inta badan Safaarado ka furtay.
Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa dhaarinteedu waxay kusoo beegmaysaa xilli uu furmay maalmo ka hor kal-fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo howlaha looga fadhiyo baarlamaanka ay ka mid yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka.
Xildhibaan Foosiya ayaa badh Gabadh dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, isla markaana hawlo shaqo oo kala duwan ka qabatay Somaliland, iyada oo marar kala duwan isu-sharraxday inay Somaliland ka noqoto Madaxweyne, inkastoo aanay u suuragelin in Urur-siyaasadeed ay sannadkii 2012 kaga dhawaaqday Hargeysa uu u gudbo Urur rasmi ah intii lagu gudo-jiray Qiimayntii ururrada siyaasadda oo ay kala shaan-dheeyeen Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Ka dib markii Urur-siyaasadeedkii Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ku hadhay Qiimayntii Guddiga diiwaan-gelinta, waxa ay qabatay magaalada Muqdisho horaantii bishii Sagaalaad ee sannadkii 2012, wakhtigaas oo dalka Soomaaliya madaxweyne loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana markii Madaxweynuhu magacaabay Raysal-wasaare u magaaabay Dr Saacid isla markiiba iyada loo magacaabay Wasiirka Drrimaha dibedda ahna Raysal-wasaare Ku-xigeen, iyada oo xilkaas haysay muddo sannad ku-dhawaad ah, haseyeeshee xukuumaddan hadda talada haysa ee Somalia markii la magacaabay, Marwo Foosiya waxa ay halkaas ku weyday xilkeedii iyada oo booskeedii loo magacaabay Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland, haseyeeshee waxa ay shalay si rasmi ah ugu biirtay mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya, iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay dariiq maaliyadeed u martay asbaabaha u sahlay inay ka mid noqotay Baarlamanka dalkaas.
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo aanu isku daynay inaanu khadka telefonka kula xidhiidhno si aanu wax uga weydiinno wararka sheegaya inay Lacag ku beddelatay xildhibannimada baarlamanka Soomaaliya, ayaan noo suurto-galin ka dib markii ay qaban-weyday telefonkeeda gacanta oo aanu tirada dhowr jeer ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment