Tuesday, March 25, 2014

Maxaa iska beddelay Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay?




Guddi Wasiirro ah oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xoojinta Xidhiidhka Itoobiya iyo Ingiriiska?


Hargeysa, 25 March, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heerka xidhiidhka ka dhexeeya ama ay la leedahay  dalalka Ingiriiska, Itoobiya iyo Qaramada Midoobay, isla markaana waxay shaacisay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) afar Wasiir u magacaabay xoojinta xidhiidhka dalalkaas.


Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo afar Wasiir oo uu Guddoomiye u yahay u magacaabay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska. Sidoo kale, waxa uu sheegay Wasiir Biixi in xidhiidhka Qaramada Midoobay iyo Somaliland ka dhexeeyaa yahay mid aad u fiican.


MOKWaxa uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka jawaabayey Warbixin dhawaan uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Nickolas Kay u gudbiyey Golaha Ammaanka oo uu ku sheegay inay Xukuumadda Somaliland cabbudhin ku hayso Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Saxaafadda ka hawlgasha Somaliland, hase-yeeshee, Wasiir Biixi waxa uu ku dooday inay Mr. Kay iyo Qaramada Midoobay gebi ahaantood aanay fikirkaas qabin ee ay wadaagaan xidhiidh fiican oo u dhexeeya.


“Horta, Somaliland iyo Qaramada Midoobay wax dhibaato ah oo kala dhex-yaallaa ma jirto, in Ergayga u qaabbilsan Soomaaliya Hargeysa yimi, waa la wada soconnaa waxa dhacday dhibaato yar, hase-yeeshee, dawladda Somaliland ahaan cilaaqaad (xidhiidh) fiican baannu la leenahay isaga iyo Qaramada Midoobay gebi ahaantood, uma arkaan inaannu Asxaab cuna-qabataynayno, Axsaab cilaaqaad xun aannu la leenahay ma jirto. Somaliland waa waddan dimuquraaddi ah, waa waddan Warbaahintiisu xor yihiin, waa waddan dadku ay ku cabbiraan waxay qabaan Jaraa’idka iyo TV-yada-ba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay waraysi siiyey TV-ga Qaranka.


Mar uu Wasiir Maxamed Biixi ka hadlayey heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska, waxa uu yidhi; “Wuxu Madaxweynuhu magacaabay Afar Wasiir oo aan anigu Guddoomiye u ahay, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, inaannu afartayadaasi xidhiidh la yeelanno oo aannu wadahadallo la samayno, ballamihii baannu sugaynaa inaannu aad iyo aad u sii xoojinno ayaannu doonaynaa cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay.”


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment