Tuesday, March 25, 2014

Ciidamada Ukraine oo ka baxaya Gebi ahaanba gobolka Crimea




Kiev, 25 March, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha-ku-meel-gadhka ee dalka  Ukraine Oleksandr Turchnynov ayaa shaaciyey in ciidamada ka jooga fadhiisimaha gobolka Crimea laga soo saari doono.


Oleksandr Turchnynov oo shalay warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inuu Wasaaradda Gaashaandhiga ku amray inay dib ugu soo celiyaan ciidamadooda jooga gacanka badda Madow xuduudaha Ukraine, sida uu xaqiijiyey xafiiska Madaxweynaha.


Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay inay hujuumeen, isla markaana la wareegeen xeradii ugu dambaysay fadhiisimaha ciidanka Ukraine ku lahaayeen gobolka Crimea shalay, halkaas oo ay ku qabteen laba askari.


Wasiirka Gaashaandhiga Ukraine ayaa sheegay in markii ciidamada Ruushku la wareegeen saldhig ay ku lahayeen dekeda Feodosia shalay ay xabsi u taxaabeen sideetan ciidamadooda ahaa, laba dhaawacmayna ku qaateen diyaarad helicopter.


Todobaadkii hore ayaa ciidamada Ruushku la wareegeen xero ciidanka cirka Ukraine ku lahaayeen magaalada Belbek oo u dhow caasimadda gobolka Crimea ee Sevastopol, isla markaana xabsi dhigay taliyahii haystay.


 


 Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment