13 Qodob Oo Kuu Sahlaya Inaad noqoto Qof La Jecelyahay
1) Noqo qof muhiimad leh: dadku waxay jeclaadaan qofku marka uu iimaan buuxa leeyahay Allena uu ku xidhan yahay,
2) Noqo qof daacad ah: qofka aan khiyaamada aqoon dadla qalbigooda wuu ku waynaadaa.
3) Iska dhawr inaad ku gefto dadka, dadku ma jeclaadaan qofka dhacdhaca badan leh ama gafka badan leh.
4) Illaahay dartii u jeclaw dadka oo dhan, qofna adoon dan gaara ka lahayn hadii aad illaahay dartii u jeclaato waxaad noqonaysaa qof dadka agtooda qiimo ku leh.
5) Had iyo jeer dhoola cadee oo wajigaaga ha ka dhigin mid laga naxo ama laga dido, dadku had iyo jeer qofka farxada iyo dhoola cadaynta badan bay jecel yihiin, oo ay xagiisa u soo xiisoodaan
6) Indhaha ka laabo oo ha u fiirsan dadka gafafkooda.
7) Qof hadii uu bukoodo booqo, hadii ay geeri ku timaadana tacsiyadee.
8) Farxad iyo murugo labadaba kala qayb qaado,
9) Hadduu uu ku casuumo yeel oo ajiib yeedhmada walaalkaa.
10) Xumaanta wanaag ugu badal, hadii uu qofku ku xumeeyo oo aad wanaajiso, laga yaabaa in qofkii isla yaabo oo lu raali galiyo, dhaqankan haddii aad joogtayso cidna isku xumaan maysaan waligaa dadk agtooda qiimo ayaad ku yeelanaysaa.
11) Had iyo goor dadka u Naxariiso , qofka gargaarka badan ee dadka caawiya waa la jeclaadaa bulshada dhexdeeda,
12) Muuji inaad danaynaysid, qofka hadii aad danaynaysay arimihiisa rabtana inaad ka warhayso oo aad ka qaybqaadato la talinta iyo wax u sheegida arimihiisa waxaad ka kal kulmaysaa tixgalin iyo maamuus gaara.
13) Haddiyado u keen oo ka farxi dadka ehelka iyo asxaabtaada ah, qofku isagoon war u hayn, hadii aad u keento hadiyada ama waxa uu ku farxo haba yaraatee agtiisa qiimo wayn baad ka yeelanaysaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment