Tuesday, March 25, 2014

MASAR: Maxkamad boqolaal taageerayaasha Ikhwaan Muslimiin ah dil ku xukuntay




Qaahira, 25 March, 2014 (Himilo)- Maxkamad ku taal Masar ayaa ku xukuntay dil xubno ka tirsanaa ururka Ikhwaan Muslimiinta oo dalkaa laga mamnuucay, sida uu sheegay garyaqaankii u doodayey.


Xubanahan oo tiradoodu gaadhayso 529 ayaa badankooda lagu xidhay iska-horimaad ka dhacay degmada Minya, ka dib markii ciidamada Masar kala dareeriyeen laba goobood oo taageerayaasha Ikhwaan Muslimiin mudaharaadyo ku dhigayeen magaalada Qaahira 14 bishii August ee sannadkii hore. 


Egypt court adjourns Brotherhood leader's trial to March 11"Maxkamadu waxay go’aamisay inay ku xukunto dil 529 eedeysane, halka 16 la saamaxay," sidaa waxa sheegay Xeer-ilaaliye Ahmed al-Sharif, isaga oo intaas ku daray inay Maxkamadda ogoshahay in  Go’aankan racfaan laga qaadan karo.


Eedaha kooxdan oo ilaa Sabtidii dacwadoodu ka socotay degmada Minya, ayaa eedaymaha loo haysto lagu sheegay inay ku jiraan rabshado, kicin dadweyne, dhimasho, saldhig boolis oo la weeraray iyo burburinta hanti dawladeed iyo mid shacab.


Fadhigii shalay ee Maxkamaddu xukunkan ka soo saartay waxa goob-joog ka ahaa kaliya 123 ka mid ah eedeysanayaasha, halka baaqiga soo hadhay ay isugu jiraan qaar aan weli la qaban iyo xubno dammiin lagu sii daayey.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment