Brussels, 15 March, 2014 (Himilo)- Haweenay Arrimaha Gudaha u qaabilsan Midowga Yurub, ayaa la filayaa inay todobaadkan kulan kula yeelato magaalada Gothenburg Safiirka Somaliland u fadhiga dalka Sweden Ms Rooda Cilmi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub shalay, ayaa lagu sheegay in Ms Cecilia MALMSTRÖM maalinta Isniinta ah ee todobaadkan ay kulan kula yeelan doonto magaalada Gothenburg ee dalka Sweden safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Ms Roda Cilmi.


Kulankan ayaa la filayaa inuu qeyb ka qaato baadidoonka Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo xidhiidho ay la yeelato bulshada caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub oo door muhiim ah ka ciyaara siyaasadda Caalamka gaar ahaan siyaasadda Soomaalida.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment