Sunday, March 30, 2014

Afrika iyo Sheeko faneedda cusub-W/Q Ibraahin Yuusuf axmed "hawd"




Afrika dhul ahaan waa qaarad leh soohdimo xaddidan oo la is la yaqaan, wax aana ku dhaqan ummado iyo dadyow aad u badan aadna u ka la afaf, dhaqammo iyo isirro duwan. Ha ahaatee marka laga hadlayo dhaqanka iyo taariikhda qaaradda badanaa magaca “Afrika” waxaa lagu qeexaa oo keliya dadka midabkoodu madowga yahay ee ka koonfureeya Lamadegaanka Weyn.


Qeexitaanka caynkaas ahi run ahaantii ma laha nuxur sugan oo wax cad inoo macnaynaya, waayo qaybta waqooyi ee af carbeedku ku xooggan yahay qudheeda waxaa ka buuxa isirro iyo afaf aan carab iyo carabi ahayn, qaybta koonfureedna wax u gaar ah oo is wada raacinayaa ma jiraan. Tusaale ahaan koonfurta qaaradda waxaa ku dhaqan malyuumaad dad ah oo isirkoodu ka soo jeedo Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo leh afaf iyo dhaqammo afrikaanoobay. Iyada oo sidaas ah haddana waa caado in la iska yidhaahdo “Afrikada Lamadegaanka ka sarraysa” iyo “Afrikada Lamadegaanka ka hoosaysa”.


Taas oo jirta haddana kolka laga hadlayo suugaanta cusub ee Afrika khasab ayay ku imanaysaa in wax la ka la qaadqaado si fahanka loo fududeeyo. Marka heerkaa la joogo ugu yaraan saddex qaybood ayaynnu u ka la dhigi karraa suugaanta cusub ee Afrika: 1) suugaanta ku qoran afafka dhaladka ah, tus.a soomaaliga, sawaaxiliga iyo xabashiga. 2) suugaanta ku qoran af carbeedka, kaas oo aad ugu xidhan asalkiisa oo ah Jasiisaradda Carabta. 3) suugaanta ku qoran afafka Yurub ee qaaradda ka dhaqangalay. Qaybta ugu dambaysa qudheedu waa laba jaad oo mid waxaa qora dadka asalkooda iyo afkooda hooyo Yurub ka soo jeedaan (gaar ahaan Koonfur Afrika iyo Simbaabwi), iyo jaad ay qoraan dad afrikaan ah oo aan afafkaa u dhalan laakiin adeegsada.


Haddaba waxaa laga yaabaa soomaaliga waxbartay in aanu aqoon magaca suugaanyahan keliya oo afrikaan ah, halka uu tixi karo tobannaan Yurub iyo Maraykan u dhashay. Sida kalena waa la mid oo afrikaanka kale waxba ka ma yaqaan suugaanta soomaalida ama ta xabashida ama ta sawaaxiliga ama tu kale oo la qaarad ah. Taa iska daaye xitaa waxaa jiri kara aqoonyahanno aan wax naf leh ka aqoon suugaanta afkooda hooyo. Cilladdu waa dadka reer afrika intooda badan oo ay weli ku yuururto gunnimo fikir oo ku taxan gumayntii dheerayd ee Yurub. Waxay noqotay xaalad la qaayibay oo aan badanaa waxba la iska wayddiin.


Qarniyadii ay Afrika hoos taallay jeedalka ninka cad, qofku waxa uu ku noolaa yididdiilo ah maalin uun in uu ku naalloon doono gobannimadiisa buuxda iyo wax walba oo taa ku jira sida afkiisa, hiddihiisa, dhaqankiisa, sooyaalkiisa iyo garashadiisa xorta ah. Halkudhigga halgankiisu waxa uu ahaa soo dhacsiga waxaas oo maamuus iyo dadnimo ah. Ha yeeshee kolkii ciidankii iyo hay’adihii maamulka gumaysigu dhulka ka guuray, dawladnimadii Afrika dadkeeda ku ma fillaan, dhabna uga ma xorayn gunnimadii dhanka fikirka.


Facii kowaad ee gobannimada u kacay waxa uu abuuray waddaniyad ah dadkiisu in ay heeryada shisheeyaha iska rogaan. Haddana, nasiibxumo, isla facaas ayaa u sabab noqday Afrika in ay ku sii hoos jirto afkii iyo dhaqankii gumaysiga dhanka waxbarashada, warbaahinta, maamulka, iyo halabuurka intaba. Hormuudkaas oo wax ku bartay afafka iyo dugsiyada reer yurub, akhriskiisa iyo awooddiisa halabuur waxa ay ku xidhnaayeen halkaa, sidaa darteed wacyigiisa iyo kartidiisa labaduba waa ay cilladysnaayeen. Adeegsi la’aanta afkiisu waxa ay u diidday ama yaraysay kobcinta aqooneed ee bulshadiisa.


Aqoonyahanka Afrika waxa uu sheegay in uu u halgamayo ka xoraynta qaaraddiisa dhaqanka gumaysiga, soona noolaynayo hiddaha iyo dhaladnimada dadkiisa. Laga soo bilaabo qaybtii hore ee qarnigii tagey waxaa al bilaabay qaar ka mid ah afafka Afrika in la qoro, ha ahaatee duruufo dhaqaale iyo aqooneed baa diidayay afafkaa la qoray in ay buuxiyaan baahida jirta, ama in ay beddel u noqdaan kuwii Yurub ee wax lagu bartay. Taasi waxa ay keentay afafkii Yurub in ay qaaradda ku sii xoogaystaan lana geliyo adeegyada maamulka, aqoonta, warbaahinta iyo halabuurka intaba. Sida muuqata halkaa waxaa ku jirta isburin aad u weyn.


Afrikaanka waxbartay halabuurkiisu isaga oo aan dadkiisa gaadhin ayuu ka mid noqday suugaanta iyo fikirka ummadaha uu afkooda ku qoray. Tusaale ahaan dhammaan suugaanyahannada caanbaxay ama helay abaalmarinnada caalamka ee Afrikida madow u dhashay waa kuwo wax ku qoray afaf qalaad (Chinua Achebe, Wolle Syunga, Nuuruddiin Faarax iqk. Billadda ugu sarraysa dunida ee suugaanta la siiyo waa ta loo yaqaan Nobel ee Akaademiyada Iwiidhan bixiso. Haddaba afar qof oo Afrika abaalmarintaa qaatay laba ka mid ahi waa caddaan ingiriisi wax ku qora, labada kalena midkood waxa uu ku qoray ingiriisi ka kalena carabi. Arrimahaas oo dhami waxa ay ina dareensiinayaa gunnimada luqadeed ee weli Afrika taalla.


Hormuudka aqooneed ee qaaraddu sidaas ayuu afafka yurub uga dhigay wax kiisa ka qiimi sarreeya, isla markas oo uu tusaale iyo hiraal u noqday dadkiisa. Waxa uu ku xoogsaday oo halabuurkiisa iyo fikirkiisa ku gudbiyay afafkaa aadka loo akhristo ee lacagta leh. Halkaas ayay ka timid afafkaasi weli in ay Afrika badankeeda u yihiin afka rasmiga ah. Halkaas ayay ka timid in la shaaciyo taas in aan waxba ku jabnayn.


Dhab ma tahay adeegsiga heer ummadeed ee afafka qalaad in aan waxba ku jabnayn? Run se ma tahay suugaanta lagu qoro af aan keeda ahayni kollayba in ay ka mid tahay suugaanta umadda ay ka dhalatay? Warcelintu si ay inoogu fududaato aynnu ka eegno afar dhinac:


1. Qoraagu yuu u dhashay ummad ahaan?


2. Qoraagu dad ayo ah ayuu wax ka qoraa oo sheekooyinkiisa ku saleeyaa qaran ahaan?


3. Qoraaga suugaantiisu sidee ayay dhadhantaa dhaqan ahaan, dadka ay ka hadashana dabcigooda bulsheed waa qolama?


4. Qoraagu halabuurkiisa afkee buu ku gudbiyaa?


Afartaa masalo ayay tahay in la qiimeeyo kolka la doonayo suugaanta in cid iyo dhaqan loogu abtiriyo. Qofka halabuurka curiyay dhalasho ahaan waa ayo? Suugaantaasi yay ka hadlaysaa? Waa maxay qiyamka, caqliyadda, nafsadda iyo dhadhanka ay ku siinaysaa dhaqan ahaan? Afka suugaantaa lagu curiyay yaa leh? Intaa waxaa lagu sii xoojin karaa qoraaga qudhiisu sida uu haybtiisa u arko.


Haddaba waxaa la dhihi karaa suugaanta iyo waxsoosaarka faneed oo dhami waxa ay ugu dhaladsan yihiin kolka ay afartaa amuurood isu raacaan. Haddii se ay afartu qaybsamaan waxaa aad u miisaan culus labada hoose, waayo waa iyaga asal ahaanba waxa tayada halabuurka lagu eegaa.


Haddii ay sidaa tahay, la ma dhaafi karo xaqiiqada ah cid walba in xil muqaddas ahi ka saaran yahay ilaalinta iyo kobcinta afkeeda iyo dhaqankeeda. Dhimashada afafka qaar iyo adkaanta qaar kale ma jirto cid wax ku helaysaa. Bani aadanka dunida oo dhami haddii uu af qudha ku wada hadlo oo dhaqan keliya wada yeesho saboolnimo iyo foolxumo moyee wanaag laga dheefi maayo.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment