Tuesday, March 25, 2014

Soomaaliya oo si adag uga hadashay dil loo geystay 8 Oday oo Al-Shabaab lagu eedeeyey iyo Jawaabta Xarakada




Muqdisho, 25 March, 2014 (Himilo)- Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyey jid-gooyo lagu diley Siddeed Oday oo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Beelaha gobolka Shabeellada Hoose, ka dib markii gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan (dorraad) lagala degay Gaadhi ay wateen iyagoo ka yimi magaalada Baydhabo, isla markaana marayey Deegaanka Buur-hakaba ee gobolka Bay.


Raysal-Wasaaraha Soomaaliya oo shalay Shir Golaha Wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ka dib Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in falka lagu dilay Odayaasha Dhaqanka ee Birmo-geydada ah uu ahaa mid waxiishnimo ah oo uu xusay inaan loo dul-qaadan karin, isla markaana uu aad u cambaaraynayo.


“Waa fal aad u naxdin badan, waxaana gaystay kooxo ma-naxayaal ah oo aan lahayn damiir Islaamnimo iyo mid Soomaalinnimo toona. Hoggaamiyayaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka, waana hal-bowlaha bulshada Soomaaliyeed…Waxan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha dhiiggooda bannaystay (Al-Shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Xkukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.


Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo la hadlay shabakad afkooda ku hadasha, ayaa sheegay inaanay wax lug ah ku lahayn dhacdadii Buur-hakaba ee lagu laayay Odoyaal dhaqameed ka yimid dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. “Mujaahidiintu wax lug ah kuma lahayn dhacdadii Buur-hakaba ee dadka siddeeda qof gaadhaya lagu dilay.” Sidaa ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay Malleeshiyada Al-Shabaab oo aan magiciisa la baahinnin.


Gelinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii Odoyaal-dhaqameed ka yimi dhanka magaalada Baydhabo lagu laayay duleedka degmada Buur-hakaba oo ka tirsan gobolka Bay, ka dib markii lagala dagay Baabuur ay wateen, isla markaana ay dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay dilkaa Odayaasha fuliyeen Kooxo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inay cid walba cadaw u yihiin.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment