Tuesday, March 25, 2014

Guddoomiyaha Guurtida oo Baaq u jeediyey dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland




“Haddii Cabdiwali Gaas isku dayo inuu deegaan Somaliland leedahay soo fara-geliyo, Ciidammada Qaranku afartan Kiiloo-mitir bay u jiraan, isagoo Maxbuus ah baannu ka soo qaban doonnaa Garoowe..” Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho


 


Hargeysa, 25 March, 2014-(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo Golahaas ka tirsan, ayaa si adag uga hadlay dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo faro-gelin ay sheegeen in Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka wadaan deegaannada Xadka ee ay Somaliland wadaagaan iyo deegaanno gudaha ku jira-ba.


“Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, waxaan leeyahay laba dal oo walaalo ah oo dirs. Ah baynu nahaye aynu nabad ku wada noolaanno, ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtana cidda ay doonto dal ahaan ha ku abtirsatee way kala nabad-gashaa.” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo shalay Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa.


saleeban-gaal-gurWaxaanu Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii wataa intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaanan leeyahay Madaxweynaha Maamulka Puntland haynoo bilaabin inaynu noqonno kuwii isku dhaca, deegaannadan Madaxweynuhu (Madaxweynaha Somaliland) soo maray waa Deegaanno Somaliland ah, waxay ila tahay dalalkuna kuma dhisna abtirsiimo ee ay leeyihiin xuduud iyo taariikh hore.”


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay inaan dagaal iyo dhaqdhaqaajin Ciidan cidna faa’iido ugu jirin, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaannu kugula telinaynaa (Madaxweynaha Puntland), inaanad dagaal hurin, Somaliland-na rabaqrabaq iyo Ciidammo ay dhaqdhaqaajiso uma baahna, adiguna (Puntland) kaba sii itaal-darrid aynu nabadgelyo ku wada degganaanno.”


INDHOSidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo isaguna ka hadlay faro-gelinta iyo abaabulka degaal ee uu Maamul-goboleedka Puntland ku hawlan yahay, ayaa digniin culus u diray Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiwali Gaas. “Madaxweynuhu horta dhulkiisii buu tegay, Somaliland-na Garoowe ayay ilaalisaa. Haddii Cabdiwali Gaas isku dayo inuu deegaan Somaliland leedahay soo fara-geliyo, Ciidammada Qaranku afartan Kiiloo-mitir bay u jiraan, isagoo Maxbuus ah baannu ka soo qaban doonnaa Garoowe. Adduunka dawlad Qabiil ahi kama jirto, annaguna haddaannu Dhulbahante iyo Warsan-geli nahay Somaliland baannu nahay oo aannu wax la leenahay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.


Xildhibaan Indho-indho, waxa uu u soo jeediyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, inaanu ku mashquulin faro-gelin iyo daandaansi uu ula yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, hase-yeeshee uu ka shaqeeyo danaha iyo midaynta Maamulka uu Madaxweynaha u yahay oo uu sheegay inay Ardaayo iska soo horjeeda u kala fadhiyaan.


Xukuumadda Somaliland, ayaa toddobaadkan ku hanjabtay inay si adag uga jawaabi doonto faro-gelin iyo dhaqdhaqaayo Ciidan oo ay sheegtay in Maamul-goboleedka Puntland ka wado deegaannada Xadka Somaliland iyo Maamulkaasi ay wadaagaan, iyada oo uga digtay cawaaqib-xumo ay sheegan inay ka dhalan karto gardarrada iyo faro-gelin ay ku eedaysay inay Puntland bilawday.


Dhaq-dhaqaajinta Ciidammada Puntland ayaa ka dambeeyey markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo Axaddii toddobaadkii hore uu booqasho ku tegay Degmada Laas-qoray oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasoo ay Puntland ku doodayso inay ka taliso. Inkasta ay Laas-qoray ka mid tahay degmooyinka gudaha dalka Somaliland ee ay Somaliland ka taliso, haddana waxa Puntland ugu magacaaban Maamul-magac-u-yaal ah oo ay dadka deegaanka xubno ka tirsani kaga mushahar qaataan Maamulkaas.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment