Sunday, March 30, 2014

Wasiirro Mashaariic u Dhagax-dhigay Tuuladii uu Madaxweyne Siilaanyo ku Dhashay




Dharyallay 30 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, ayaa Xarumo Caafimaad iyo waxbarasho ka dhagax-dhigay tuulada Dharyallay oo ka tirsan gobolka Togdheer.


Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirul-dawlaha Waxbarashadu waxa ay dhagax-dhigeen Xarun loogu talo-galay daryeelka Hooyada iyo Dhallaanak (MCH) iyo laba fasal oo lagu kordhiyey dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Dharyalley oo ah meeshii uu ku dhashay madaxweynaha Somaliland.


Dhagaxdhiga magaalada DharyallayWasiirka Caafimaadka Dr. Xaglatoosiye oo ka hadlay munaasibada dhagax-dhiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta ay kala kulmeen shacanbka deegaanka Dharyallay oo ah goobtii taariikh ku leh nolosha madaxweynaha wakhtigan ee Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo.


“Waxaan si weyn idiinka mahadcelinaynaa soo dhoweynta wanaagsan ee wefdiga aad ku qaabisheen. Waxaan u soconay inaan maanta idiin dhagax-dhigno xanaano caafimaad oo magaalada Dharyallay yeelan doonto, oo runtii ah sida la sheegay magaalo taariikhi ah oo ah meeshii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo ku dhashay. Waxaan rajaynaynaa inaan laba bilood ka dib u soo noqonno furitaanka xaruntan,” sidaa waxa yidhi wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Xagla-toosiye.


Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye iyo isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin oo goobtaas ka hadlay, ayaa bulshada deegaankaas uga mahad-celiyey soo-dhawaynta lagu qaabilay weftiga wasiirrada, waxaanay sheegeen in shaqaalihii iyo qalabkii laga hawl-galinayey goobahan lagu xigsiin doono marka laga dhammaystiro dhismayaasha. 



Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment