Sunday, March 16, 2014

"Kenya in loo jawaabo ma mudna, beenta intaas le’egna inay sheegaan waxaa ku qasbay…”

Muqdisho, 16 March, 2014 (Himilo)- Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka Soomaaliya, Sh. Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo dhawaan ay dowladda Kenya sheegtay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaadhay duqeyn ka dhacday deegaanka Birta Ddheer ee Gobolka Gedo, ayaa markii u horreysya la hadlay warbaahinta.

Sh Cali Dheere waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka Kenya ka soo baxay, isagoo sheegay inaanay Kenya mudnayn in looga jawaabo been intaas le’eg ee ay baahiyeen, hase ahaatee ay doonayaan kaliya inay dadka muslimiinta u caddeeyaan in warkaasu been yahay.

"Kenya in loo jawaabo ma mudna, beenta intaas le’egna inay sheegaan waxaa ku qasbay ciidankooda Soomaaliya kusoo duulay dhibaatada ay la kulmeen, shacabka Kenya ayaa dowladda farqaha ku dheggen baaba'a iyo halaagga wiilashooda kasoo gaadhay dagaallada Soomaaliya ka socda darteen ayaa ku keentay inay beentaas ku qanciyaan qoysaaska askarta ku sugan Soomaaliya,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo wararkan aad u buun-buuniyay, isagoo xusay inay ahayd in marka hore ay iska hubiyaan waxay sheegayaan.

"Waxaa la yaab ah in warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadla qaarkood ay si indho la'aanta ah warkaas u baahiyeen aadna u buun-buuniyeen, waana ku ceeb inaanay ka fiirsan waxay sheegayaan. Warbaahintaasna waa kuwo ay madax-martay inay taageeraan gaalada,” ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Dheere.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Dheere waxa uu sheegay inaanay waxba soo gaadhin oo uu caafimaad qabo isla markaana sii wado doono dagaalka uu kula jiro ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen, inta ay naftu ku jirtana ay la dagaalami doonaan inta ay dalka dib uga baxayaan.

Toddobadkii hore ayay ahayd markii afhayeenka milateriga dalka Kenya Emmanuel Chirchir uu sheegay in afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere uu u dhintay dhaawac kasoo gaadhay duqeyn ay diyaaradahoodu ka geysteen gobolka Gedo.

Ma ahan markii u horreysay ee uu beenoobo sheegasho ay dowladda Kenya ay ku shaaciyeen inay inay dishay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, iyada oo afhayeenka milateriga Kenya uu dhowr jeer sheegay inay xubno sare oo Al-shabaab ka tirsan dileen.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment