Thursday, March 20, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Degmada Burco

Burco, 20 March, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka ku marayey gobollada dalka oo wakhtigan ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa shalay xadhigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyo qaar kale oo hirgelintooda la fulinayana ku dhagax-dhigay dhowr munaasibadood oo kala duwan.

IMG_0081Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha xukuumaddiisa ka tirsan ee socdaalkiisa ku weheliya, waxa kale oo ay ka qayb-galeen munaasibad qalin-jabin ah oo shalay loo sameeyey 121 Arday oo ka aflaxday kulliyadaha kala geddisan ee Jaamacadda Burco, waxaanu halkaas shahaadooyinkii ay kasbadeen ku guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardaydii ka aflaxday jaamacaddaas.

Madaxweynuhu waxa uu xadhigga dhisme laba dabaq ah oo loogu talo-galay inay noqoto Guriga Martida ama Madaxtooyada ee gobolka Togdheer, halkaas oo lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo loogu wan-qalay dhammaystirka dhismahan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu shalay gelinkii dambe kormeer ku tegay Cusbitalka Guud ee magaalada Burco isaga oo Madaxweynuhu soo maray Waadhadhka Caruurta isla markaana Xadhiga ka yaray Mashruuc balaadhan oo la xidhiidha Korontada, kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’ada UNDP, waxaanu mashruucani maalintii soo saari 25,000 KW oo koronto ah.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu mashruucani wasaaradda Caafimaadka u baajinayo lacag kumanaan Dollar ah, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Mashruucani waxa uu dabooli doonaa dhammaan baahidii Koronto ee Cusbitaalku u baahnaa oo markii hore bil kasta aanu ku bixin jirnay Shan Kun oo Dollar. Waxaanu rejaynayaa inaanu mashruucan ku fidinno dhammaan cusbitaalladda gobollada dalka,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu kormeer tagay Madaarka magaaladaas oo dib-u-dhis ballaadhan lagu wado, waxaanu halkaas xadhigga kaga jaray Xayn-daab Silig ah iyo Deyr lagu wareejiyey madaarka.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey geeddi-socodkii ay u soo mareen ballaadhinta iyo dib-u-dhiska madaarka, isaga oo sheegay inuu ahaa garoon la dayacay isla markaana ay deggenaayeen boqolaal qoys oo markii dambe ay ku guulaysteen inay ka raraan. Wasiirku waxa uu sheegay in hirgelinta garoonka diyaaradaha Burco uu yahay mashruuca labaad ee ugu weyn mashaariicda xukuumadda Siilaanyo ka fuliso gobolka Togdheer marka laga reebo lacagtii Giimbaarta ahayd ee laga beddelay, isaga oo ugu baaqay bulshada Somaliland iyo hay’adaha dawladda inay kaalin muhiim ah kala qaataan dhismaha Gegida madaarka oo ay ku baxayso lacag dhan todoba Milyan oo Dollar.

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas ka hadlay, ayaa dhismaha madaarka Burco ku tilmaamay mashruuc Qiime badan ku fadhiya oo Xukuumaddiisu juhdi badan gelisay sidii loo hirgelin lahaa, waxaanu u hambalyeeyey guddiga ku hawlan dhismaha Madaarka iyo Wasaaradda Duulista hawada, waxaana hadalkii madaxweynaha ka mid ahaa, “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay mashruucani horumarka uu sameeyey. Waa mashruuc qiime badan ku fadhiya oo dawladda iyo dadkuba dedaal badan geliyeen, hawlo iyo dhibaatooyin bandanna waa lagala kulmay; dadbaa laga raray oo dhibaatooyin badan ka tirsanayey, yeelkeed ee maanta meel fiican buu marayaa, inta ka dhimanna way nu dhammaystiri doonaa, waxaanu noqon doonaa garoon Caalami ah oo aynu u aayi doono,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhigga ka jaray waddooyin ay dawladda Hoose ka hirgelisay gudaha magaalada Burco, isaga oo dhinaca kale booqday Dugsi ay wax ku bartaan ardayda dhegooleyaasha ee gobolka Togdheer oo uu xadhigga uga jaray dhisme cusub loo hirgeliyey.

Madaxweynaha oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay taakuleyn ballaadhan ka geysan doonaan wax u qabashada dadka dhegooleyaasha ah, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan ku faraxsanahay inaan Xadhigga ka jaro Dugsigii Dhegoolayaasha si uu u noqda mid anfaca dad u baahan ee ay Iskuulkan u samaynay. Waxaan ballan-qaadayaa haddaanu Dawladda Somaliland nahay inaanay jirin wax aanu ka hakranayno, wixii karaankagayaga iyo wixii dunida aanu idin kala qaban karno, ayaanu ku dedaalaynaa,” ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

No comments:

Post a Comment