Monday, March 17, 2014

Madaxweyne siilaanyo oo furay dhismaha wadada ceerigaabo




Ceerigaabo(Himilo):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo tan iyo toddobaadkii hore socdaal shaqo ku marayey gobollada dalka, ayaa maanta ka qaybgalay bilawga Munaasibad lagu furay dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.


silanyo wadada ceeri 2 War qoraal ah oo ay Weftiga Madaxweynuhu ka soo direen Ceerigaabo, ayaa lagu sharraxay jewiga bilawga dhismaha waddada Ceerigaabo oo maanta laga bilaabay magaaladaas, waxaanu warkaasu u qornaa sidan:-


“Jawiga maanta oo ahaa mid layaab ku noqday weftiga madaxweynaha ku wehelinaysay safarkan loogu magac-daray Hilaacii Xeebaha Somaliland ka dib markii ay xalayto ku soo hoyden Caasimada Gobolka sanaag ee Ceerigaabo goor habeenimo ah balse ay shacbigu jawaab uga dhigeen saaka Nin daar ku jiraa daruur ma arkee ilayn xalay roobku waa da’ay, maah-maahdaas oo ahayd mid ay weftiga ku dareensiinayeen inay xalay ku soo beegmeen xili roob laxaadleh ka da’ayey Sanaag oon la isu bixin balse maanta ay ka dhigteen isu soo baxoodii kaasi oo noqday daad soo rogmaday oo kale.


silanyo wadada ceeri 3Markii waagu beryey waxa magaalada Ceerigaabo soo buux dhaafiyey hareeraha wadada iyaga oo u taagnaa soo bixitaanka madaxweynaha oo maanta ujeedadiisa ugu wayni ahayd inuu ka dhabeeyo balanqaadkisii hore ee ahaa dhagax-dhiga wadada ceerigaabo balse wajigii labaad ee uu madaxweynuhu ku soo gaadho wadadaasi ayaa noqday mid rumoobay oo uu ka dhabeeyey markii uu keenay Qalabkii wadada lagu hirgelin lahaa isaga oo isla maantana Cagta saaray madaxweynuhu Cagaf-cagaftii hormoodka u ahayd Qalabka wadada ceerigaabo loogu talo-galay wadada in lagu dhaqaajiyo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 17.03.2014.


Waxa xasuusteeda leh isu soo bixii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan reer ceerigaabo ayaa waxa uu noqday mid lagu qabtay barxad ka baxsan magaalada balse ahayd halkii laga bilaabayey wadada ee ahayd bilowga wejiga koowaad ee wadada lagana soo bilaabay dhanka Ceerigaabo, sidoo kalena waxa uu salaam sharaf ka qaatay Madaxweynuhu Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.”


Halkan ka dhegayso Codka.


100101_[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/03/Codka-Madaxweynaha-ee-Dhaqaajinta-Bilowga-Wadada-Ceerigaabo-.mp3"][/audio]002


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment