Saturday, March 22, 2014

DAHABSHIIL oo Tabobar heer Caalami ah u Qabatay Saraakiisha iyo Shaqaalaha Shirkadda




Dahabshiil waxay Shaqaaleheeda ku tabobbartay ka hor-tagga  lacagaha Sharci-darrada ah ee la isu diro


 


Hargeysa, 22 March, 2014 (Himilo)- Waxa ugu soo gebagaboobey Saraakiisha, Wakiillada, iyo hawlwadeennada  Shirkadaha Dahabshiil tabobbar heer caalami ah oo socdey hal maalin oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.


Tababarku waxa uu si gaar ah u taabanayey xeerarka lagaga hortago lacagaha sida sharci-darrada ah lagu kasbo, la isuguna gudbiyo, xeerarka ka hortagga u adeegsiga taban ee lacagahaa iyo sida  looga ilaaliyo inay soo dhex galaan lacago laga helay ganacsiga daroogooyinka, hubka, iwm. Iyo, guud ahaanba, xeerarka caalamku u dejiyey dhaqdhaqaaqa lacagaha haddii ay tahay dal ilaa dal, qaarad ilaa qaarad ama qof ilaa qof, iyada oo aan meel lagaga dhaceyn, waxna loo dhimayn ganacsiga aan arrimahaas ku lug lahayn ee sharciga ah.


dahabo12Furitaankii tababarka waxa hadal kooban ka soo jeediyey Maareeyaha Guud ee xawilaadda lacagaha, Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ku bogaadiyey saraakiisha shirkadda ee ka soo qayb galay sida ay u muujiyeen dedaal iyo u-heellanaan dheeraad ah si ay habsami ugu gutaan waajibaadka ka saaraan macaamiisha iyaga oo ku dabbiqaya xeerarka caalamku oggol yahay ee la xidhiidha isu-gudbinta lacagaha.


 “Tababarkan waxa uu daba socdaa kuwo badan oo hore oo aad ku soo qaadateen sida loogu dhaqmo xeerarka caalamiga ah, iyada oo inta uu kaga duwan yahay kani ay tahay iyada oo Tababare heer caalami ah oo Maraykan ahi casharradan bixinayo, taas oo muujinaysa sida Shirkadaha Dahabshiil ay uga go’an tahay inay macaamiisheeda kaga ilaaliso tuhun ka soo raaca lacagaha ay eheladooda iyo ganacsigooda u kala gudbinayaan,” ayuu yidhi Maareeye Cabdiraxmaan.


Waxa kale oo uu Maareeyuhu aad ugu mahadceliyey Waaxdii soo qabanqaabisay tababarkan oo uu hormuud ka ahaa Cali Maxamed Goodir iyo Maxamed Cali Nuur  (Siddiiq), Wakiilka Shirkadda ee fadhighiisu yahay Minnesotta ee dalka Maraykanakoo suurtageliyey imaatinka Tababaraha.


Waxa si rasmi ah daaha uga rogay furitaanka tababarka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, Mudane Cabdi Dirir Cabdi, oo isagu qiray in shirkadaha Dahabshiil Group muujiyeen xilkasnimo aad u ballaadhan oo wax badan u sahlaysa iyaga laf ahaantooda inay xilka ay qaranka u hayaan si quman u gutaan.


“Waa ay muuqataa in dedaal badan iyo kharaj badan lagu bixiyey sidii uu tababarkani u qabsoomi lahaa, una soo afmeeri lahaa kuwii ka horreeyey ee shirkaddu hore u qabatay, “ayuu yidhi mudane Dirir.


Waxa uu Guddoomiyuhu aad u faahfaahiyey sida ku-dhaqanka shuruucdu muhiimad ugu leedahay qofka lacagta diraya iyo loo-diraha laftigiisa, dawladaha iyo guud ahaanba bulshooyinka caalamka, iyada oo si isku mid ah looga taxadirayo in ay waxyeello kaga timaaddo macaamiil aan dembi geysan dadka ka ganacsada sharci-darrada sida tahriibta, is-addoonsiga aadamaha, daroogada iyo qodobbo kale.


Waxa isaguna kelmado kooban oo waxtar badan xambaarsan goobta ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, Cabdullaahi Xasan oo si aad u cilmiyeysan isu dul taagey sababaha waajibiyey in adduunku iskala jaanqaado ilaalinta sida sharci darrada ah loo dhex marin karo hay’adaha isu gudbiya lacagaha sida xawaaladaha iyo Bangiyada.


 “Ammaan iyo bogaadin ayaan idiinku soo jeedinayaa sida aad isugu taxallujiseen, juhdi bandanna ugu hurteen in aan tuhun iyo madmadow innagu soo leexan, macaamiishiinnana dhibi ugu iman. Sida aqoonta badan ku dheehan tahay ee casharradani u socdeen, waxa nooga kordhay kalsooni badan oo aan ku qabno sida hufan ee aad isaga xilsaarteen mihnadda isu-gudbinta lacagaha oo ku qotonta sharciyadda dalalka aad ku shaqaysaan iyo kuwa guud ee caalamkaba,” ayuu yidhi Agaasimaha Baanka Dhexe.


Waxa kale oo goobjoog ka ahaa tababarkan Kormeeraha Waaxda Bangiga Dhexe u asteeyey la shaqaynta hay’adaha lacagaha ku lugta leh iyo sida isu-gudbinta lacagaha loo waafajinayo sharciyadaha jira.


Tababarka waxa bixinayey gebegabdiinna shahaadooyin guddoonsiiyey ka-qaybgalayaasha khabiir Maraykan ah oo la yidhaahdo Albert E Brady, oo ka socdey hay’adda A.E.B. Consulting Services, oo dhinaca sharciyada kala shaqeeya in ka badan 63 shirkadood oo Maraykanka kaga shaqeeya isugudbinta lacagaha oo shirkadda Dahabshiil ka mid tahay kuwooda ugu mudan.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment