Madaxweyne Geelle oo Billada-sharafyo ku taxay Naxashyada Meydadka Lixda Askari!
“Muhiimadda Ciidankeennu waxa weeye in Argagixisada laga kiciyo Geeska.. khaasatan Shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay, nafteenna inaan u hurnana waajib baan u aragnaa… Askartanina waa Shuhado...” Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle
Jabuuti, 22 March, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay inay yihiin Geesiyaan hawl-gal Qaran ku shihiiday Askar ka tirsanaa Ciidammada Jabuuti ee waddanka Soomaaliya ku sugan, kana tirsan Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ee dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ku dhintay weerar ay magaalada Boola-burte ku qaadday kooxdaasi.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, ayaa habeen hore la gaadhsiiyey Meydadka lix Askari oo ka tirsan Ciidammada dalkaas ee ka midka ah kuwa Midawga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, kuwaasoo ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaadday Huteel ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada Boola-burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyaddaas ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Xubnaha Xukuumadda iyo Taliyeyaasha sare ee Ciidammada Jabuuti, ayaa Madaarka oo ay ku qaabbileen Meydadka lixda Askari iyo 11 Askari oo iyaguna weerarkaas Al-Shabaab ku qaadday Huteelka ay degganaayeen Ciidammada Jabuuti oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM iyo kuwo Ciidanka dawladda Soomaaliya ka tirsan gudaha magaalada Boola-burte ee gobolka Hiiraan Salaasadii toddobaadkii hore, halkaasoo ay maalmo ka hor marka weerarka lagu qaaday kala wareegeen ama qabsadeen Malleeshiyada Al-Shabaab oo ay Boola-burte ka mid ahayd deegaannada ay awoodda ku lahayd Al-Shabaab ee gobolkaas.
Markii Meydka la gaadhsiiyey garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Billad-sharafyo ku taxay Naxashka ay Meydkadka lixdaa Askari ku jireen, waxaanu Madaxweyne Geelle hadal uu halkaas ka jeediyey ku sheegay inay Lixda Askari ee weerarkii Boola-burte ku dhintay ay yihiin Shuhaado si geesinnimo leh u dhintay, isaga oo sheegay inay waajib ku tahay inay argagixisada ka kiciyaan oo ay naftooda u huraan walaalohooda Soomaaliyeed.
“Geesiyaasheennii Argaggixisada dagaalkeedii ku dhintay iyagoo hawlgal Qaran fulinaya, iyagoo Cadawga Soomaaliya ku habsaday ee argagixisada ku haya ka caabbiyaya ayuu qaddarku u yimi, si geesinnimo ah iyagoo qoryohoodii sita ayay isu daafaceen, maanta waa Shuhaada ayaannu leenahay. Illaahayna waxaan ka baryeynaa inuu Jannadii gaadhsiiyo oo uu la xidhiidhsiiyo Sidiiqiinta iyo Nebiyada iyo Shuhuudada inuu la xidhiidhsiiyo ayaannu Illaahay ka baryeynaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayey muhiimadda Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya jooga oo ka tirsan Ciidammada Midawga Afrika ee Soomaaliya ku sugan waxa uu yidhi; “Ciidankeenna muhiimadda uu ku jiro adduunkoo dhan baa og, waxa uu halkaa u joogaana waxa weeye Mushtamaca dawliga ee dunidu waxa uu u heellan yahay in laga kiciyo ama laga dhiciyo Argagixisada Geeska Afrika, khaasatan Shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay, nafteenna inaan u hurnana waajib baan u aragnaa, inaan ku talo-galnana weeye, Naftu Illaahay markuu ugu talo-galay saacadna ma aakhirto saacadna ma qaddinto. Laakiin, dhimasho tii ugu quruxda badnayd waxa weeyaan kolka aad Shuhaadada ku dhimato (shihiiddo).”
“Waxaan dadkii, qoysaskoodii, eheladoodii, qaraabadoodii iyo asxaabtoodii u dirayaa Tacsi, waxaan Illaahay uga beryayaa inuu Samir iyo Iimaan innaga wada siiyo. Illaahay hannaga dhigo illeen beddeli kari maynee inaannaan waxba kala hadhin wixii aannu la qaban karno wixii adduunka ku hadhay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo Tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen lixda Askari ee Meydkooda la gaadhsiiyey dalkooda.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle mar uu ka hadlayey taageerada ay u baahan yihiin Ciidammada dalkiisa ka jooga Soomaaliya iyo kuwo lagu soo kordhin doonaba, waxa uu yidhi; “Ciidanka qalabka sida, inta Jabhadda ku jirta ee Cadawga Argagixisada ah ka caabbiyeysa ummadda Soomaaliyeed, inta tegi doonta intaba inaan ku hareerayno taageeradeenna, ku hareerayno Ducadeenna, ku hareerayno wax-siinteenna, ku hareerayno Calankeenna iyo walaalnimadeenna. Waxaan leeyahay Illaahay ha u naxariisto Raggeennaas, innagana Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo.”
Salaasadii toddobaadkii hore goor habeennimo ah ayey ahayd markii ay Naftood-hurayaal ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab weerar ku qaadeen Huteel ay magaalada Boola-burte ee gobolka Hiiraan ka degganaayeen Ciidammada dawladaha Jabuuti iyo Soomaaliya, weerarkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Ciidammada, ka dib markii uu isku-qarxiyey Lixdan Soomaali ah oo ka yimi waddanka Norway oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida ay Kooxdaasi baahisay Arbacadii.
Intii aan Meydadka iyo Dhaawaca Ciidanka Jabuuti weerarkaas ka soo gaadhay laga qaadin magaalada Muqdisho oo markii hore la geeyey, waxaa Cusbitaalka la dhigay ku booqday Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo u duceeyey dhaawacyada, inta ku dhimatayna Illaahay uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, iyaga oo ku tilmaamay Geesiyaal Shihiiday.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment