Sunday, March 16, 2014

Magacyada Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo Maraykanku Madaxooda Malaayiin Doollar dul-dhigay

Washington, 16, March, 2014-(Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa saddex xubnood oo ka tirsan Kooxda Xag-jirka ah ee Al-Shabaab dul-dhigtay Madaxooda Lacag dhan midkiiba saddex Milyan oo Doollar, sida ay shaaca ka qaadday Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanku.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in cidda soo sheegta meesha ay joogaan la siin doono abaalmarin lacageed oo dhan $3 Milyan oo Doollar. Saddexdaas xubnood waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Suuqa Ganacsiga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Suuqaas oo lagu magacaabi jiray Westgate Mall oo ah goob laga dukaamaysto oo ay bishii October ee 2013-kii, kooxo dagaalyahan ah oo ay Al-Shabaab sheegatay inay ka tirsanaayeen ku qabsadeen xaruntaas, isla markaana uu khasaare badani ka dhashay, ka dib markay ku dhinteen dad toddobaatan qof gaadha, in ka badanina ku dhaawacmeen, iyaga oo afar maalmoodna haystay xaruntaas oo ay dad rayid ah hoosta uga soo xidheen.

Magacyada saddexda xubnood ee Maraykanku lacagta badan dul-dhigay xogtooda, ayaa kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaanno ‘’Ikrima’’, ayaa Wasaaraddu sheegtay in Ururka Al-Shabaab uu u diiwangeliyo dhalinyarada kusoo biireysa dalka Kenya iyo kuxigenkiisa Jacfar.

Qofka Saddexaad ayaa ah Yaasin Kilwe oo la sheegay in uu yahay Amiirka ama Madaxa ugu sarreeya Ururka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanta Buuralayda Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Saddexdaan xubnood ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa in ay ku lug lahaayeen weerarro kale oo argagixiisnimo. Maraykanka ayaa marar badan lacago Malaayin Doollar ah dul-dhigay Saraakiisha uu u arko inay ugu muhiimsan yihiin  Kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Argagixisada caalamiga ah loo aqoonsaday ee Al-Qaacida.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment