Tuesday, March 18, 2014

Ingiriiska oo Ku gacan-saydhay qaadacay Dalab Talyaanigu ku doonayey nin Soomaali ah

London, 18 March, 2014 (Himilo)- Maxkamad ku taal dalka Ingiriiska ayaa qaadacday aqbalaada dalab xukuumada Talyaanigu ku doonaysay in loogu soo mustaafiryo nin Soomaali ah, ka dib markii looga shakiyey inaanu cadaalad ku helayn.

Qoraal 11 bishan Royal Courts of Justice ee London ka soo baxay ayaa lagu sheegay inaanan la aqbali kari u gudbinta nin lagu magacaabo Badri Cabdi Xayle xeer-ilaalinta magaalada Florence, ee dalka Talyaaniga, ka dib markii wasaarada Cadaaladda aanay soo gaadhin ballanqaad ku filan inaan loola dhaqmayn qaab bani’aadminimada ka baxsan xidhitaankiisa Talyaaniga.

royal-courtsXildhibaan hore ka tirsan Baarlamaanka Talyaaniga,Senator Marco Perduca  ayaa ku tilmaamay go’aanka maxkamada London ku diiday dalabka u soo gudbinta ninkaa Soomaaliga ah mid caqabad ku noqon doonta mustaqbalka qof kastoo Talyaanigu codado in loo soo gudbiyo, waxaanu yidhi, "Go’aanka Royal Courts of London ku diiday dalabkii xeer-ilaalinta Florence waxay sababi doontaa caqabad Talyaanigu kala kulmo mustaqbalka codsiyo u soo gudbinta eedeysanayaasha ee dunida, maadama lagu eedeeyey inaan hay’adaha Talyaanigu ku dhaqmin xeerarka caalamka ee xuquuqal-insaanka.”

No comments:

Post a Comment