Tuesday, March 25, 2014

Daraasad Daah Furtay in Milix Badan oo La Quutaa Soo Dadajiso Gabowga




Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in dhalinyarada miisaankoodu culus yahay isla markaana quuta cunto milix badan leh ay hore u gaboobi doonaan isla markaana ay khatar ugu jiraan inuu asiibo wadno xanuun.


Daraasadan oo ay fuliyeen cilmi baadhayaal u dhashay wadanka Maraykanka kana hawlgala jaamacada lagu magacaabo Georgia Regents University ee ku taal magaalada Augusta ee gobolka Georgia ayaa waxa kale oo ay shaaca ka qaaday in quudashada milixda oo la yareeyo ama cunto aan milix badan lagu Karin oo la cunaa ay hoos u dhigto geedi socodka gabowga unugyada jidhka baniaadamka.


Daraasadu waxa kale oo ay intaa ku dartay in quudashada milixda oo la yareeyaa faaiido u leedahay khaas ahaan dadka miisaankoodu culus yahay ama xad dhaafka yahay kana hortagi karto gabow ku soo dagdaga.


Daraasado hore ayaa hore u xaqiijiyay in darafyada koromossomyada (Hido sidayaal ku dhex jira unugyada jidhka baniaadamka) oo loo yaqaano telomeres ay si dabiici ah ula gaabtaan kolba marka qofka da’diisu sii waynaato.


Waxa kale oo daraasadahan hore xaqiiiyeen in sigaar cabista, jimicsi la’aanta iyo baruurta xad dhaafka ahi soo dadajiso inay soo gaabtaan darafyada hido sidayaasha taas oo qofka ku sababta inuu gabowgu ku soo dagdago.


Laakiin daraasadan ay sameeyeen culimada jaamacada Georgia Regents University ayaa ah tii u horaysay ee nooceeda ah ee soo bandhigta saamaynta quudashada milixdu ku leedahay dhererka darafyada hido sidayaasha loo yaqaano koromosoomis ee ku dhex jira unugyada baniaadamka.


Daraasadan ayaa lagu tijaabiyay 766 oo da’doodu u dhaxayso 14 jir ilaa 18 jir kuwaas oo loo kala qaybiyay kooxo ku salaysan heerka qaadashada milixda.


Cilmibaadhayaashu waxay ogaadeen in dhalinyarada aadka u cayilan ee quuta milix badan ay leeyihiin hidasidayashoodu (Chromosomes) darafyo (telomeres) gaagaaban marka loo eego kuwa miisaankooda oo kale leh laakiin se aan cunin milix badan.


Si kastaba ha ahaatee , waxa sidoo kale lagu ogaaday cilmibaadhistan in cunista milixdu aanay saamayn wayn ku yeelan dhererka darafyada hidosidayaasha dhalinyarada miisaankoodu aanu xad dhaafka ahayni.


Markasta oo da’da baniaadamku sii korodhaba darafyada hidasidayaashu way soo gaabtaan taas oo sababta in DNA ku dhex jirta unugyada ay waxyeelo soo gaadho korna u qaado in qofka ay asiibaan cudurada gabowda la xidhiidha ee ay kamid yihiin Alzheimer's, macaanka (diabetes) iyo wadno-xannuunka.


Dr Haidong Zhu oo hogaaminayay kooxda cilmibaadhayaasha ah ee daraasadan sameeyay ayaa waxa uu yidhi “ xataa dhalinyarada aan aadka u cayilnayn ee caafimaadka qaba ayaan arki karnaa saamaynta ay ku leedahay milix badan oo ay cunaan, taas oo tilmaamaysa in cunista milixda badan iyo cayilka xad dhaafka ahi soo dadajiyaan in unugyada bani aadamku hore u gaboobaan.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment