Thursday, March 27, 2014

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka qaybgalaya Shir lagaga hadlayo dhibaatooyinka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo kuwo kale

Hargeysa, 27 March, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday inuu waddanka Tanzania kaga qaybgalayo Shir caalami ah oo uu sheegay in lagaga hadli doono dhibaatooyinka Siyaasadeed, Nabadgelyo iyo dhaqaale ee ka taagan dalalka Afrika ee ay ka midka yihiin Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.

Faysal-Cali-WaraabeEng. Faysal Cali Waraabe oo shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu tegayo magaalada Daarasalaam ee Caasimadda dalka Tanzania, halkaasoo uu sheegay inuu kaga qaybgalayo shir lagu marti-qaaday oo lagaga hadlayo dhibaatooyinka ka taagan waddamada Afrika, kaasoo uu sheegay inuu ku marti-qaaday Xisbiga talada dalka Tanzania haya oo lagu magacaabo CCM.

“Maanta (shalay) waan baxayaam waxaanan galayaa safar, waxaan ku sii horreyn doonaa  waddanka Tanzania, halkaasoo aan kaga qaybgeli doono bisha soo socota Shir ay leeyihiin waddamada ka tirsan Ururka la yidhaa Socialist International, waxaa na marti-qaaday Xisbiga haya talada dalka Tanzania ee CCM, annaguna marti-qaadkaas ayaannu ku jirnaa, waxaana ka qayb-galaya aniga iyo ninka nooga Wakiilka ah Ururkaas.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo intii aanu shalay dhoofin Warbaahinta kula sii hadlay Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Waxa uu Ajanduhu yahay oo Shirkaa lagaga wadahadli doonaa qulquladaha ka taagan waddamada Afrika ee ay ka mid yihiin Soomaaliya, Koonfurta Sudan, Jamhuuriyadda badhtamaha Afrika iyo Congo. Waxa kale oo lagaga hadli doonaa  dawlad-wanaagga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddamadaas.”

Eng. Faysal, waxa uu sheegay inuu Tanzania u sii dhaafi doono dalal ka tirsan kuwa Qaaradda Yurub, waxaanu yidhi; “Waxaanan u sii dhaafi doonaa Finland aniga oo hal toddobaad joogi doona, una sii dhaafi doona waddanka Jarmalka oo uu ka dhici doono shir la yidhaa; ‘German African Energy, kaasoo ay isugu iman doonaan waddamo badan oo Afrikaan ah, waxaanan u sii dhaafi doonaa waddanka Beljiem si aan ula kulmo Midawga Yurub. Waxaanan marka danbe tegi doonaa waddanka Ingiriiska, waxaasna badankooda waxa ugu weyn hawl Qaran.”

“Waayo? Adduunka waynu ka seexannay, waxaana loo baahan yahay in sidii Berigii Jabhadda la ahaa oo kale inuu qof waliba sidii uu ugu shaqaynayey inuu Guddoomiyaha SNM ahaa in arrimaha Qaranka aan cidna lagu halayn oo Xisbi ahaan loo ordaa, shakhsi ahaan loo ordaa sidii Somaliland looga midha-dhalin lahaa himilada shacabka ee gooni-isu-taagga Somaliland ee loo gaajooday ee loo dhintay, Xabaalaha waaweyna loo yeeshay, annaguna cidna ku hallayn mayno. Waxaannu jecelnahay inaannu shaqayno haddii aannu Xisbiga UCID nahay.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa uu Masuuliyiinta Xukuumadda ku eedeeyey in halkii ay waajibkooda shaqo ka gudan lahaayeen ee ay Shacabka iska dhisi lahaayeen ay ku mashquuleen iska-dhisidda iyo iska-dhaadhicinta Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Waxaad mooddaa in dadkii la illaabay oo Masuuliyiinta dalku halkii ay iska dhisi lahaayeen Shacabka ay u hayaan xilka, ay iska dhisayaan Madaxweynaha oo marka uu baxana ay wada raacayaan, marka kalana ay Madaxtooyada wada taagan yihiin, maantana shacabkeennu wuu gaajoonayaa, muceeshaddii iyo Doollarkii baa Cirkay ku marayaan, cunto dhacday ayaana la keenaa, taasoo keentay inuu dalka ku bato Xanuunka Kansarku, waxaanan leeyahay Wasiirrada guul-wadannimada iska daaya oo shacabka u shaqeeya, Madaxweynuhuna idinku-muu odhan dadka caaya idinka oo aan la garanayn sida ay xaaladdiinnu tahay.”

Sidoo kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay daandaansiga Maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay inay cawaaqib-xumo kala kulmi doonaan hadday isku-dayaan inay farogelin ku sameeyaan Somaliland iyo Dhulkeeda. Waxa kale oo uu ka hadlay shalay intii aanu dhoofin doorashada Madaxtinnimada ee la filayo inay sannadka soo socda dalka ka qabsoonto, taasoo uu ku baaqay in wakhtigeeda la qabto, isaga oo rejeeyey in Illaahay doorashadaa ka dhigo mid dalka iyo dadka Somaliland u keenta is-beddel khayr leh.

No comments:

Post a Comment