Muqdisho, 30, March, 2014-(Himilo)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday inaan Baanka dhexe ee dalkaasi laga saari karin lacag aanay ogeyn Guddiga Dhaqaalaha ee Baarlamaanku laga bilaabo wixii ka dambeeya bisha April 2014-ka ee bilaabmaysa.
Guddomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidaa ka sheegay fadhigii Mudanayaasha Baarlamaanka ee shalay oo ka qabsoomay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay in wixii ka dambeeya bisha Abriil ee soo socota aan laga bixin doonin Baanka dhexe ee Soomaaliya wax lacag ah oo aanay oggolaannin Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, iyada oo aan la hubin doono sida lacagtaas loo isticmaalayo.
Prof. Jawaari ayaa fadhiggii Baarlamaanka ee shalay ka sheegay in qoraal ay u diri doonaan 1-da bisha Abriil Mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe, taasoo ay kaga codsan doonaan in wax lacag ah oo aanay soo saxeexin Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka aan laga bixin karin khasnadda dowladda. Waxaanu Md. Jawaari oo ka hadlayaa yidhi, “Wax Alle iyo wixii hanti ah ee ku jira qasnadda dowladda Soomaaliya waxaa leh shacabka Soomaaliyeed, shacabkana waxaa wakiil ka ah Golahan, lacag aan oggolaansho looga haysan Golahana lama bixin karo.”
Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo Baarlamaanka dalkaasi uu qaado tan iyo markii la dhisay sannadkii 2012, balse hore ayuu Guddoomiyuhu u sheegay in lagu xisaabtamayo hantida shacabka Soomaaliyeed iyo sida loo istcmaalo. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, ayaa isla kulanka ka sheegay in Xildhibaannada Baarlmaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay saacado dheeri ah shaqeeyaan kal-fadhigan afraad iyo midka shanaad ee soo socoda si looga midho-dhaliyo in dalkaasi la gaadhsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah.
“Waxaa aad iyo aad looga filayaa baarlamaanka in kal-fadhigan afraad iyo midka shanaad ee soo socda ay dhameystiraan wax walba oo shuruucda loo baahan yahay inay horseedaan geeddi-socodka aan higsanayno ee ah in 2016-ka ay Somalia ka hirgasho doorasho xor ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka, isaga oo intaas ku daray, “Inta lagu gudo jiro labadan kalfadhi waxaa la doonayaa in la dhiso wixii hay’ado iyo shuruuc ah ee sahlaya in nabadeynta dalka la hirgeliyo loona diyaar-garoobo doorasho xor ah oo qabsoonta 2016-ka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Prof: Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaan kasta uu badiyo saacadaha uu shaqeynayo, isagoo Guddiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ka dalbaday inay hawshooda laban-laabaan oo habeen iyo maalinba ay shaqeeyaan si ay u gutaan waajibka dalka iyo dadka ay wakiilka ka yihiin ka saaran.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa iyaguna mooshin ka keenay Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdillaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed, sida uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ka sheegay kulankii shalay ee Baarlamaanka.
Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in qoraal loogu yeedhayo Wasiirradaas ay u diri doonaan, isla markaana ay hor-iman doonaan Baarlamaanka, isagoo xusay inaanay Xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka soo qorin su’aalaha ay doonayaan inay Wasiirrada weydiiyaan.
“Waxaa i soo gaadhay mooshin ay saxeexeen 15 Xildhibaan, kaasoo lagu codsanayo in loo yeedho Wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka. Su’aalaha la weydiin doono Wasiirrada waxaan ka dhigi doonnaa kuwa Baarlamaanka kasoo baxa, waayo? Xildhibaannadu may soo qorin su’aalihii Wasiirrada la weydiin lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Inkasta oo aan la sheegin waxyaabaha la doonayo in wax laga weydiiyo labada Wasiir ee arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, haddana waxay Xildhibaanno ka tirsan kuwa mooshinka geeyay sheegeen in wax laga weydiin doono arrimo la xidhiidha hawl-gallada socda iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada Muqdisho.
Wasiirradan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee looga yeedho Golaha Baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo looga weydiiyo howlaha shaqo iyo masuuliyadda ay u xil-saaran yihiin Wasiirro ahaan iyo Wasaarado ahaan-ba, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay hortagayaan Baarlamaanka.
Sidoo kale, Xildhibaanno ka hadlay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay waxa hadalkoodu u badnaa hawl-gallada gobollo ka mid ah dalkaasi ka socda, qiimo-dhaca lacagta Shilin Soomaaliga, dhibaatooyinka dadkii ka barakacay deegaannadii Al-shabaab laga saaray, sugidda ammaanka, Miisaaniyadda dawladda iyo qodobbo la xidhiidha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment