Hargeysa, 22 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka sheekeeyey sababta keentay inuu noqdo qofkii ugu dhaawaca xumaa ama ugu dhaawaca cuslaa dadkii wax ku noqday Shilka Baabuur ee Khamiistii ku yimi Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo uu ku dhintay Allaah ha u naxariistee Caaqil Cabdi Hadoodil, halka ay Wasiirka Caafimaadka, Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle iyo Afhayeenka Madaxtooyadu.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, waxa uu sheegay Amarka Allaah ka sokow dhaawacyada ka soo gaadhay Shilka Baabuur ee ay Khamiistii ku galeen deegaanka Geel-lookor ee gobolka Saaxil inuu qayb ka ahaa Suunka Kursiga Gaadhiga oo aanu xidhannin. Waxaanu Wasiir Cukuse sheegay inuu ahaa qofka keliya dadkii ay Baabuurka ku saarnaayeen ee aan Suunka Kursiga xidhnayn markii gaadhigu la dhacay, isla markaana uu noqday qofkii ugu dhaaca xumaa. Sidaa daraaddeedna, Bulshada Somaliland ku dhaqan waxa uu ugu baaqay inay caadaystaan isticmaalka xidhashada Suunka Kursiga Gaadhiga marka ay Baabuurta ku safrayaan.
“Shilku waxa uu ka dhacay Geel-lookar, waxa uu Gaadhigu ila dhacay 8:15 (Siddeeddii iyo Rubuc) ee Subaxnimadii Khamiista, oo Baabuurkayga iyo Baabuurka Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo is-weydaaranayey ayaa isku dhacay. Markaa, waxaan ahaa dadkaannu Baabuurka ku saarnayn qofkii keliya ee aan Beelka (Suunka Kursiga) xidhnayn, qofkii ugu dhaawaca xumaana waan noqday. Markaa, waxaan idin leeyahay Suunka isticmaala (marka Baabuurta lagu safrayo).” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Warbaahinta shalay uga warramay xaaladdiisa Caafimaad.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, oo shalay loo qaaday dalka Jabuuti si halkaa baadhis caafimaad oo dhammaystiran iyo dawaynba loogu sameeyo, ayaa intii aanu Hargeysa ka tegin ka hor waxa uu Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ugu warramay Weriyeyaal booqasho ugu tegay, kana waraystay xaaladdiisa, waxaanu sheegay inay xaaladdiisa caafimaad aad u fiican tahay, isla markaana dhaawacyada soo gaadhay ay yihiin kuwo sahlan.
Wasiir Cukuse oo ka warramaya xaaladdiisa caafimaad iyo sida uu yahay waxa uu yidhi; “Xaaladdeyda Caafimaad aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay, ILLAAHAY ayaan ku mahadinayaa, waxaan ka jabay gacanta Midigta oo ah cudduda, waxaan ahayn cad go’a yar waan wanaagsanay. Laakiin, waxaan ahay ninkaa sare fadhiya ee soconaya meel kale oo aan wax ka qabaa ma jirto, dadkuna waxay Telefoonka igu soo weydiinayaan ilkuhu miyey kaa daateen? Maya, ilko iga daatay ma jiraan. Dhabarka miyaad wax ka qabtaa? Maya, laf-dhabarteyda iyo dhabarku-ba way fiican yihiin oo waan ka soconayaa. Ma socon kareysaa? Haa, waan socon karayaa, oo waanigan cagahayga isku taagaya ee ku soconaya.”
Dawladda, Shacabka iyo Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan dadkii booqashada ugu tegay iyo kuwii khadka taleefanka kala xidhiidhay intii uu dhaawacmay, ayuu aad ugu mahad-celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyey Maamulka iyo Hawl-wadeennada Cusbitaallada Berbera iyo Hargeysa oo uu sheegay inay si fiican u daweeyeen, isla markaana uu teyadooda shaqada Caafimaad ee ay hayaan uu xusay inay aad uga fiican tahay sidii hore ee ay ahaan jireen. Waxaana Wasiir Cukuse gelinkii hore ee Jimcihii shalay diyaarad loogu qaaday waddanka Jabuuti si halkaas loogu soo daweeyo, baadhitaan dheeraad ahna loogu sameeyo Jigaha Shilkaas Baabuur ka soo gaadhay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment