Oslo, 26 March, 2014 (Himilo)- Ciidamada Sirdoonka dalka Norway, ayaa xaqiijiyey inay qabqabteen tiro Soomaalida ku nool dalkaas, ka dib markii maleeshiyaadka Shabaab sheegteen in nin dhalashada Norway haysta fuliyey weerar is-miidaamin oo ka dhacay degmada Buule-burde ee dalkaasi Soomaaliya.
Maalintii Salaada ee todobaadkii hore, ayaa weerar loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyey lagu qarxiyey Hudheel ku yaala magaalada Buule-burde ee Badhtamaha dalkaasi Soomaaliya oo maalmahaas uun laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana weerarkaas fuliyey nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Norway, waxaana qaraxaas ku geeriyooday siddeed qof, toban kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan.
“Waxaan filaynaa inaan talaabadan ku ogaan karno macluumaad xaqiijin kara inuu jiro ninkaasi iyo inkale, waxaan hayna amagacyo kala duwan iyo baadhitaan aan ku wadno dhinacyo kala duwan. Todobaad ka dib, ayaanu natiijo gaadhi doonaa,” sidaas waxa yidhi Martin Bernsen, la-taliyaha Sirdoonka dalka Norway.
“Xogo badan ayaan helay, laakiin waa degdeg inaan shaacino ogaanshaha qofkaa,” ayuu sheegay Bernsen.
Baadhitaanka dhacdadan caqabado badan ayey leedahay. Hadhaagii qarxaa waxa la hayaa bir ka mid ah gaadhigii iyo dambaska gubashadii jidhka ninkaa.
Ciidanka Sirdoonka Norway ayaa isku deyaya inay ogaadaan xidhiidh uu ninka la sheegay la lahaa Norway, muddada uu joogay iyo wakhtiguu ku laabtay Soomaaliya, iyada oo gacanta lagu hayo hadhaaga maydkii ninka is-qarxiyey oo la baadhayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment