
Jilaagan Soomaaliga ah oo metelay filim laga sameeyey budhcad-badeedkii afduubay markabka Mearsk Alabama sannadkii 2009-kii, ayaa u xaniban weydiimaha eedo ay ku jiraan inuu isticmaalo maandooriyaha iyo dembiyo kale.
Ninkan Soomaaliga ah oo degenaanshaha rasmiga ee Maraykanka haysta, ayaa todobaadkan waajahaya dhegeysiga dacwad ay ku oogeen saraakiisha Laamaha socdaalada iyo ilaalinta xuduudaha, taas oo natiijadeedu sababi karto masaafurin, sida xogo u sheegeen wargeyska Star Tribune.
Sidoo kale, Wargeyska MailOnline ayaa baahiyey, eedaha loo haysto Barkhad oo hore loola xidhiidhiyey, waxa ka mid ah haysashadiisa Qaad iyo mukhaadaraad kale oo sababay inuu isku dayo ka booditaanka gaadhi ciidanka booliisku ku qaadeen.
Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in sannadkii 2004 lagu xukumay xabsi gaadhaya 90 maalmood iyo ganaax dhan $1,000 ka dib markuu magac khaldan u sheegtay ciidanka booliiska, kana iibiyey mukhaadaraad qof aan qaan-gaadhin.
Barkhad oo ku helay dhaqaale gaadhaya $65,000 jilitaanka filimkii budhcad badeedka, ayaan ilaa wakhtigan soo gaadhin abaalamrino iyo faa’iido dheeraad ah, inkasta oo filimkii noqday dhaqaale badan ka soo baxay.
No comments:
Post a Comment