Tuesday, March 25, 2014

Wasiirka Caafimaadka oo shaqadii xafiiskiisa ku soo laabtay shalay, kana hadlay xaalada Wasiirka warfaafinta




Hargeysa, 25 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo shalay dib ugu soo laabtay shaqadii xafiiskiisa, ayaa ilaahay uga baryey saxiibkii Wasiirka Warfaafinta Cabdillahi Cukusa oo wakhtigan daaweyn ugu maqan dalka Jabuuti inuu caafimaad siiyo.


wasiir-Xaglo-toosiye2Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo ka hadlayey munaasibad shalay Hargeysa ka dhacday ka dib maalmo ku maqnaa jugo ka soo gaadhay shil uu ku gallay wadadda u dhexeysa Berbera iyo Burco, ayaa ugu duceeyey Wasiirka warfaafinta oo juggo ka soo gaadhay shil uu gallay dibedda loogu qaaday, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan uga ducaynayaa saaxiibkay Wasiirka Warfaafinta Cabdillahi Cukuse oo shilkii aanu gallay jug ka soo gaadhay dibedda ugu wacan.”


Wasiirka Caafimaadka Xagla-toosiye ayaa sheegay in sagaal qof oo ka mid ahaa dadkii shilka gallay caafimaad qabaan, isla markaana shaqeynayaan, waxaanu yidhi, “Intayadii kale waanu caafimaad qabnaa sagaal qof ayaanu ahayn, ilaahay waxba nama gaadhsiin, waana shaqeynayna, isagana in ilaahay caafimaad siiyo ayaan ugu ducaynayaa.”


Wasiirka Caafimaadka Dr Xagla-toosiye oo ka mid ahaa weftigii madaxweyne Siilaanyo ee socdaalka ku maray gobollada Dalka, ayaa shil ku galay inta u dhaxaysa degmooyinka Sheekh iyo Berbera, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo ay kala wateen isaga iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo wakhtigan lagu daawanaynayo cusbitaal ku yaala magaalada Jabuuti, waxaana shilkaas ku geeriyoooday Alle ha u naxariistee Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal Caaqil Qaalib (Hadoodil) oo ka mid ahaa madax-dhaqameed la socotay weftiga Madaxweynaha.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment