Ciidmaada jarmalka oo la sheegay inay hore tababar ugu siin jireen dalka Ugandha ciidamada Soomaaliya ayaa joojiyey markii tababarka loo wareejiyey gudaha Soomaaliya, sababaha xaalada amaanka awgeed.
Wieker oo ka warbixinayey amaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay in halistu marayso halkii ugu sareysay qiimaynta, inkastoo xarunta midowga Yurub haystaan ilaalin ku filan, balse hawlgalka Jarmalka weli u baahan yahay ogolaanshaha baarlamaanka Bundestag.
Dhinaca kale, hogaamiyaha xisbiga muxaafidka Jarmalka CSU Horst Seehofer ayaa dhaleeceyey wasiirka Gaashaandhiga, kuna tilmaamay nin keligii goostay qadiyadda hawgalada dibedda, "Waa muhiim in wasiirku bilowga kala tashado dhamaan inta ay khusayso, intaanu u gudbin shacabka," ayuu u sheegay wargeyska SPIEGEL.
No comments:
Post a Comment