Hargeysa, 22 March, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi shirweynaha Xisbiga ee Maanta loo ballan-sanaa dusha ka saaray Guddiga Qaban-qaabada shirweynaha.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu dhinac isaga leexiyey dhaliilo inta badan ku xidhiidhiya dib-u-dhacyada ku yimaadda Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu ku dooday inay guddiga Qaban-qaabadu masuuliyaddeeda leedahay haddii qabsoomidda Shirweynaha maanta loo ballansan yahay dib uga dhaco wakhtigii hore loogu muddeeyey oo ahaa 22-ka bisha March.
Guddoomiye Muuse Biixi oo xalay khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo, ayaa dhinaca guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye isaga Leexiyey masuu’liyadda dib-u-dhac mar kale la filayo inuu ku yimaaddo wakhtigii loo muddeeyey shirweynaha Xisbiga oo maanta ku beegnaa.
“Qoladda guddiga Qabanqaabada ayaan u xilsaarnay, iyaga wax ka weydiiya. Berri (maanta) markay qaban waayaan, xafiiska ugu kaalaya Gudoomiyaha Guddiga Qabanqaabada iyo xoghayntooda oo inay ka hadlaan weydiiya, sababtuu u dhici waayey shirku,” sidaa yidhi guddoomiye Muuse oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey la qabanayo shirweynaha xisbiga wakhtigii loo muddeeyey ee 22-ka bisha March.
Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay halka uu ku dambeeyey dib u dhaca ku yimi Shir wada-tashi ah oo qabsoomiddiisa lagu soo af-jaray khilaaf siyaasadeed oo ka dhex-aloosnaa xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka, ayaa sheegay inaanu waxba ka ogeyn xilliga laysugu iman doono shirkaas oo qaban-qaabadiisa loo xil-saaray Akadeemiga Nabadda.
“Maalintii loo ballamay waa tii xaggooda uu dib uga dhacay, war kalena kama hayo,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Muuse Biixi oo la weydiiyey waxa uu uga jeedo Cidda uu dusha ka saarayo dib-u-dhaca ku yimi shirkaas inay tahay Axsaabta mucaaradka iyo Akedemiyadda Nabadda, waxa uu ku jawaabay, “Qolooyinkaa xaggooda ayuu dib uga dhacay. Annagu diyaar baanu ahayn markii la qabanayey. War dambena kama maqal. Maalinta la qabanayo aniga xaggayga kamuu baaqan,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo ka gaabsaday inuu si cad u sheego cidda uu ku eedaynayo masu’uuliyadda dib u dhaca ku yimi shirka wada-tashi ee Axsaabta Qaranku u ballantay.
Ugu dambayntii, Mar la weydiiyey siduu u arko hadal gudoomiyaha xisbiga UCID ku dhaliilay socdaalka madaxweynaha ee gobollada kuna sheegay in madaxweynuhu ka baaqsaday tegista gobollo Somaliland muhiimad u ah, waxa uu ku jawaabay, “Isagaa ra’yigiisa hadlay, xor buu u yahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Shirka wada-tashiga ee Axsaabta mucaaradku u ballameen la qaban doono Bishi Lixaad ee Sannadkan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment