Saturday, March 29, 2014

Dhakhaatiir u dhalatay Masar oo sheegay inay Daawo u heleen Cudur-sidaha HIV-ga




Qaahira, 29 March, 2014 (Himilo)- Khubaro ka tirsan dhakhaatiirta ciidamada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay u heleen daawo 100% wax ka taraysa jeermiska (HIV) sababa Cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka iyo Xannuunka kale ee Cagaar-showga (Heptatis B), isla markaana bisha June ee sannadkan laga heli karo dhamaan cusbitaallada ciidamada ee Masar.


Dr. Nadia Garab, madaxa xarunta cilmi-baadhista Masar, ayaa sheegtay inaan hore loo hayn daawo wax ka tarta Jeermiska HIV, balse wakhtigan la-taliyeyaasha khubadara caafimaadka Masar ogolaadeen in daawadan cusub loo adeegsado dadka xanuunka HIV haleelay.


“Waxaan si dhow ula soconay isbedelada bukaanka ku yimi, waxa cajiib ah inaan aragnay soo kabasho,” ayey tidhi.


Helitaanka daawadan cusub ayaa timi markii dhakhtar ciidamada Masar ka tirsan soo saaray aalad ilays lagula soconayo unugyada HIV ee bukaanka, ka dibna dhiigga qofka xanuunsanaya lagu nadiifinayo qalab. Dr. Gen. Ibrahim Abdul Aaty, Madaxa Dhakhaatiirta Ciidanka Masar oo ka hadlayey helitaanka dawada cusub e xanuunka HIV ayaa sheegay, “ka hor intaan xanuunku faafin, waa kala jebin karnaa unugyada xanuunka, ka dibna ka dhigaynaa macdan jidhka gasha. Ka dibna fiyraskii waxuu noqonayaa macdan jidhka gasha, halkuu xanuun noqon lahaa,”ayuu yidhi Dr Ibrahim Abdul Aatay.


Nadiifinta dhiiga ayaa ku xidhan heerka bukaanka unugyadiisa uu saameeyey xanuunku, taasoo dadka qaarkood ilaa labaatan maalmood soconayso, halka qaar kale daawayntoodu soconayso ilaa lix bilood, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.


Xukuumada Masar ayaa ogolaatay in daaweyntan loo istcimaali karo dadka, xilligana dhakhaatiirta Masar ayaa la sheegayaa inay ka dalbanayaan Yurub iyo Maraykanka aqbalaadooda.


Daaweynta bukaanada qaba xanuunka HIV ayaa ka bilaabmi doonta dalka Masar 3 bisha Juune, balse dhoofinta dibedaha ee daawadan ayaa la sheegay in masuuliyiinta Masar hakin doonaan, si dalkoodu u noqdo goob caalamka loogu yimaado daaweynta xanuunkan halista ah ee HIV.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment