Sunday, March 23, 2014

Somaliland oo Shaaca ka qaadday inaanay u Dul-qaadan doonin Daan-daansiga Puntland, Ciidanka Qaranka oo Heegan la geliyey iyo Wararkii u dambeeyey




“Wixii ka soo noqday Puntland waxa uu noqday inay Ciidammo soo dhoobaan dhul aan dhulkii la isku hayey iyo dhulkii hadalku ka joogay-ba ahayn. Hayaay, yimaadde’eey, la qabsay dhulkiiyeey…!” Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami


Hargeysa, 23, 2014-(Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay jiraan dhaqdhaqaaqyo Millateri oo u dhexeeya Ciidammada Qaranka iyo Daraawiishta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxay ku doodday inaanay iyadu wax daandaansi ah wadin, hase ahaatee aanay Somaliland eeganaynin isku-dayada dagaal ee Maamulkaasi caadada ka dhigtay.


Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sidaa ku sheegay Shir Jara’adi oo shalay ay Warbaahintu wax kagaga weydiisay dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo u dhexeeya dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey laga dareemayey deegaannada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland. Waxaanu Wasiirku intaa ku daray in Maamul-goboleedkaasi Ciidammo soo dhoobay Deegaanno aan ahayn dhulka hadalku ka taagan yahay ee ay isku hayaan dawladda Somaliland iyo Maamulkaasi. Waxaana heegan Buuxa la geliyey Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiidda Bariga dalka.


“Aniga iyo Wasiirro badani Weftigii ballaadhnaa ee Madaxweynuhu hoggaaminayey baannu la soconnay, markii aannu Xeebaha Galbeedka marnay oo aannu Lughayaha ka bilawnay, Saylac marnay, dabadeedna waxaannu is-nidhi halla dhammaystiro oo yaan loo kala eexannnin Xeebaha oo yaan hadhaw dadku ku cabannin intii kalena waa la soo maray annagana waa nala dhaafay. Dabadeedna, waajibka waddanka naga saarnaa ee Masuuliyadda iyo Xilkaannu haynaa na farayeen ayaannu gudannay oo Laas-qoray oo aanaan ogeyn qolo laga rahmay iyo qolo gaar ahaan loo siiyey.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.


Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland waxa uu sheegay inay degmada Laas-qoray tahay degmo fac wayn, isla markaana taariikh dheer leh oo ka tirsan waddanka Somaliland, waxaanu ydihi; “Markaa, wax dembi ah oo aannu galnay ma arkaynine deegaankayagii iyo dadkayagii ayaannu u tagnay. Carabtaa tidhaahda Ninka Aftahannka ahoow haddii markaa Baydhka lagaa helo oo nabarku kugu dhaco ha qaylinninoo haay, tollaay iyo waxaasi way ka reebban tahay ninka Siyaasiga ah. Wakhtigaaga sug oo xabbaddii lagugu dhuftay mid le’eg markaa rid, weliba haddii Xabbad Ak ah lagugu dhuftay ha raad-raadinnin inaad mid Taangiga ka riddo’e taa teedii hal rid, sidaas weeyaan Siyaasaddu. Calaa-kulli-xaal may noqon, taasoo keliya laguma joogin.”


Mar uu Wasiir Cadami ka hadlayey Ciidammo uu sheegay in Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Ciidammo soo dhoobto deegaanno aan ahayn dhulka hadalku ka joogo iyo deegaammada la isku hayo toona, waxaanu yidhi; “Annagu waannu ka sii hadhnay Weftiga, annaga oo ku xisaabtamayna in Afrika weeyaane wax ka soo noqon karaan. Dabadeedna, wixii ka soo noqday Puntland waxa uu noqday inay Ciidammo soo dhoobaan dhul aan dhulkii la isku hayey iyo dhulkii hadalku ka joogay-ba ahayn inay Ciidammo keenaan. Hayaay, yimaadde’eey, la qabsay dhulkiiyeey mid nalaga maqlay ma jirin oo TV iyo Jariirad toona uma sheegin, iyagii baannu la hadalnay oo aannu nidhi Puntland-neey labadaa colaad iyo nabad kala doorta, illeen haddaad isoo gardarraysato oo aad meeshayda timaaddo waan iska kaa celinayaa oo waxba la hadhi maayee.”


“Wadahadal dad weliba dhex-dhexaad ahi galeen baa dhacay, waxay oggolaadeen inay halkoodii ku noqdaan dib ugu noqdaan, wakhtigi baa la qabtay, saacad baa la qabtay waa laga wadahadlay, waana intii Weftiga Madaxweynuhuu xagga Burco ku soo maqnaa, annaguna waa isugu bognoo waxaannu is-nidhi; ‘malaha hadhniinkii aad hadheen daruuri buu ahaa, oo annaga laftayada ayaa wax kale naloo sheegi lahaa oo nala odhan lahaa Diyaarado ayay Ciidammo ka soo daateen. Intaasi markii ay dhacday dadkaa Odayaasha ah iyo Masuuliyiinta Mandaqadda deggan wakhtigii iyo digniintii ay siiyeen bay ku baaqdeen wixii dhici lahaa iyo iska hor-imaadkii labada Ciidan dhex-mari lahaa sidaa qaboow bay noqotay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaij Cali Cadami.


Waxaanu Wasiirka Gaashaandhiggu intaa ku daray oo uu yidhi; “Qasab bay noqotay in Ciidammo tabobbar ku jira oo Somaliland ah oo Mandaqadda Badhan ka soo jeeda oo horena u joogi jiray ayaa tabobbarkii loo xidhay, dabadeedna waxay ku noqdeen Xeradoodii ay joogi jireen, oo Reerohoodii, Xaasaskoodi iyo Shaqadoodii oo niman Ajaanib ah oo dibedda laga keenay maahayn. Uma aragno markaa annagu wax cusub oo aannu keennay iyo daandaansi aannu samaynay toona.”


Mar uu Wasiir Cadami sharraxayey sheekooyin uu xusay inay soo baxeen intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag, waxa uu yidhi; “Intii aannu annagu joognay sheekooyin baa soo baxay ah dabbaqaadda la innaga dabbaqayo tegitaankii Laas-qoray (ee Madaxweynaha Somaliland) in Madaxweynuhu (Madaxweynaha Maamulka Puntland) yimaaddo degmooyinka kale ee sida Badhan iyo Dhahar ayaa la sheegay, annaga isagu nooma sheegin oo wax isu-sheeggaas iyo xidhiidhkaa fiicani hadda ma jiro oo meesha waa ka maqan yahay.”


Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlayey dhaqdhaqaaqyada Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland iyo hanjabaadaha ka soo yeedha waxa uu yidhi; “Laakiin, waxyaabo hore oo badan oo hadda aanan dib ugu noqonayn oo intuu isagu (Cabdiwali Gaas) xukunka yimi hanjabaad aan jiri jirin ninba waxbuu ku bilaabaa oo ninka nabadda jeceli xagga nabadda ayuu ku bilaabaa iyo shaydaanka ha la iska naaro, goormaynu is-aragnaa iyo maxaynu ka wadahadalnaa? Ninka aan taa u jeedin ee dhinaca kale u jeedaa ama Taliyihiisa ha u sheego ama isagu ha u sheegee wuxuu ku bilaabaa dhul baan xoraynaynaa. Kol hadduu dhul baannu xoraynaynaa ninku yidhaahdo, waxay Carabtu tidhaahdaa; ‘Waa Shar-wade’.”


Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland waxa uu sheegay in Deegaannada Bariga Somaliland ee Laas-qoray, Badhan, Dhahar iyo weliba gobolka Sool dadka joogaa aanay cid kale ahayn ee ay yihiin dadka reer Somaliland ee dhulkaas u dhashay. Waxaanu sheegay in wax kasta wadahadal lagu wada dhammayn karo haddii dhinaca wanaagga laga eego.


Axmed Xaaji Cali Cadami gebo-gabadii Shirkiisa Jaraa’id ee uu shalay ku qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Hargeysa waxa uu ku caddeeyey inay jiraan dhaqdhaqaaqyo Millateri oo u dhexeeya Somaliland iyo Maamulka Puntland, waxaanu yidhi; “Markaan soo koobo dhaqdhaqaaq (Ciidan) waa jiraa, cidda bilawdayna waa Puntland, annaguna inaannu daawanno ama sugno ama marwalba laga wadahadlo oo la yidhaahdo maxaa idin keenay? Waxa ka qurux badan dhaqdhaqaaq Millateri oo la sameeyey dhaqdhaqaaqiisuu leeyahay dhinaca kalena oo wuu imanayaa. Wakhtiga markaa ay timaaddo ee Caqligu si fiican u shaqeeyo ee la yidhaahdo aynu wixii ka wadahadalnana iyaduna waa xilligeeda goonida ah.”


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment