Hargeysa, 26 March, 2014 (Himilo)- Munaasibad loo sameeyey Dugsiga sare ee Al-Neelain Secondary School oo shalay lagu qabtay Xarunta Dugsigaas ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Maxamed Shidde, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Xasan Cabdisalaan, Madaxa Hay'adda International Islamic Relief Khadar Xuseen Aadan, Macalimiin, Arday iyo Waalidiin iyo Marti sharaf kale.
Xafladdaas oo ahayd mid Dugsiga Al NEELAIN Secondary School lagaga baddalaayey Magacaas hore, oo ay lahayd Hay'addii gacanta ku haysay Dugsiga oo fadhigeedu ahaa dalka Suudaan, waxaanu Manhajka Dugsigu ku bixi jiray Manhajka Suudaan oo luuqadda Carabiga ku baxa, taasoo iska wareejisay Maamulkii dugsiga, waxaana Masuuliyadii dugsiga la wareegay Gudi kooban oo gacanta ku haysay, iyadoo Dugsiga loo bixiyey Madarasatul Daarul Culuum, hase yeeshee Guddidaaasi waxa ay sheegeen in Dugsiga Daarul Culuum uu hadda laga bilaabo ku bixi doono Manhajka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Somaliland.
Aadan Saleebaan Sulub oo ka mida Macalimiinta dugsiga sarre ee Daarul Culuum ayaa sheegay in Dugsigani uu kaalmaha hore galaayey labadii Sanadood ee la soo dhaafay, isla markaana Ardayda wax ka barataa ay yihiin kuwo Aqoon ahaan dhisan, taasina waa marag maddoon, waxaanu yidhi; "Waxa Munaasibadan ugu muhiimsan in Waalidka la tuso waxa ay Ubadkoodu barteen. Labadii sanadood ee ugu dambeeyey Ardaygii ugu sareeyey Imtixaanka Somaliland waxa uu ahaa Dugsigan, waanay adag tahay in laba jeer Kaalin lagu wada guulaysto, taasna waxa marag ka ah Waalidiinta Ubadkoodu Daarul Culuum dhigtaan."
Madaxa hay'adda International Islamic Relief oo fadhigeedu yahay Caasimadda Hargaysa Khadar Xuseen Aadan oo Madashaas ka hadlay ayaa Waalidiinta u soo jeediyey inay la socodka Ubadka ku dedaalaan, isla markaana ay marka ugu horaysa Alle ka cabsiga baraan, waxaanu yidhi; "Waalidka waxaan leeyahay Ubadka ku dedaalla oo Macalinka iyo Maamulka yaan lagu halayn. Waalidka waxaan ku dardaarayaa inay Ubadka yar yar aanay Dugsiga uun u soo dirin, balse ay Salaada ku ilaaliyaan oo Alle ka cabsiga baraan, hadaanu Ilmaha yar ee Ardayga ahi Diintiisa aqoon oo aanu tarbiyadiisu dhisnayn wax-ba u tari maayo Dugsigu."
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mida Guddida dugsigaas gacanta ku haysay, ayaa isaguna halkaas ka hadlay ayaa ka warramay taariikhda Dugsiga sarre ee Al-Neelain oo immika loo bixiyey Daarul-Culuum. "Dugsigani waxa uu jirey 6 ilaa 7 Sanadood, waxa mudadaas ka baxay Dhalinyaro badan oo qaarkood ay Waxbarasho dibadeed haleen. Sidaad la socotaan dugsiga waxa gacanta ku haysay Al NEELAIN, balse hada way wareejisay, markaa Manhajkii hore waa laga bedelay oo Manhajka Wasaarada Waxbarashada ayuu qaatay. waxay ahayd in Maamul sheegee Magacii hore waa la badalay oo Daarul Culuum ayaa Dugsiga loo bixiyey.” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.
"Tacliintu waa inay ahaatee mid Illaahay ku baraysa, oo Diinta ku baraysa oo waxa ifka loo keenay taqaan, markaas ayaad Aqoonta maadiga ah-na aad baran kartaa, laakiin waxaad mooddaa in dadkeenu far hunguriga xooga saaraayo, balse waxaan leeyahay Aqoontu waxay macno yeelanaysaa markay Diintaada iyo Waajibaadka Alle ee ku saaran ay kuu sheegayso, markaa Waalidiinta waxaan kula dardaar mayaa inay ubadkooda baraan Diinta si ay u noqdaan Awlaad saaxilla."
Agaasimaha Tacliinta sarre ee Wasaarada Waxbarashada Muuse Maxamed Shidde oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay Aqoontu leeyahay, isagoo sheegay in Ubadka ay marka ugu horaysa bartaan Diintooda, Dalkooda, Dadkooda, taasoo uu ku tilmaamay inay markaas Cilmigu uu macno samaynayo. Waxaanu Waalidiinta u soo jeediyey inay fahmaan dedaalka looga baahan yahay inay Ubadka yar yar geliyaan.
Waxaa Munaasibadaas ugu dambayntii ka hadlay oo soo xidhay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Ammaanay Maamulka iyo Guddida Dugsiga sarre ee Daarul Culuum, kuwaasoo uu sheegay inay soo saareen Arday Diintooda jecel oo dalkoooda jecel oo Alle ka cabsi leh. Waxaanu sidoo kale u duceeyey Ardayda Sanad-dugsiyeedkan dhammaysatay iyo Waalidiinta oo uu sheegay inay kaalin muhiiima ka qaateen Horumarka dugsigan Daarul Culuum.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment