Ban Ki-Moon oo Walaac ka Muujiyey Xaalad Sii Cakirmaysa
New York, 16 March, 2014 (Himilo)- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku guuldaraytay inay helaan aqbalaadda qaraar qabyo ah oo u soo jeedinayey inaanay aqoonsan natiijada ka soo baxda afti maanta laga qaadayo gobolka Crimea, kaas oo Maraykanku soo hordhigay.
13 wadan oo ka tirsan shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka, ayaa u codeeyey oglaanshaha qoraalka qaraarkaas, halka dalka Ruushku codkiisa diidmada Qayaxan (veto) isku hortaagay, waxaana ka aamusay dalka Shiinaha.
Codka diidmada Qayaxan oo ay awood u leeyihiin shanta waddan ee joogtada ku ah Golaha Amaanka oo kala ah Ruushka, Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Shiinaha ayaa ka dhigan inaan la adeegsan karin qaraar hirgelintiisa lagu hor-istaagay Codka Qayaxan.
Qaraarka dalka Ruushku codka diidamada isku hortaagay ayaa dib u xaqiijinayey madaxbanaanida, midnimada iyo xuduudaha Ukraine, isla markaana sharci-darro ku tilmaamayey afti maanta laga qaadayo shacabka Crimea inay ka go’aan dalka Ukraine.
Ergeyga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, oo saxaafada la hadlay cod u qaadista qaraarkaa ka hor, ayaa sheegay inaanay sir ahayn in Ruushku codkiisa diidmada ku hor istaagayo. Waxaanu raaciyey in dalkiisu xushmaynayo go’aanka shacabka Crimea, laakiin aanu aqbalayn qoraalada lagu diyaariyey qaraarka Maraykanka eek u sheegayey “Sharcidaro aftida maanta shacabka Crimea ku go’aaminayaan mustaqbalkooda.”
Liu Jieyi, Ergeyga dalka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu u raadinayo xal miisaaman khilaafka, una soo jeediyey wadamadda inaanay sii murgin xaalada.
Samantha Power, Wakiilka Maraykanka ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in dalka Ruushku awood u leeyahay diidmada qaraarka, laakiin, aanu awood u lahayn cod uu xaqiiqada ku diido/.
Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa sheegay in xaaladuhu sii adkaanayaan, sababta aftida maanta ka dhacay Crimea awgeed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment