Thursday, March 20, 2014

Somaliland: Kumanaan Dhegooleyaal ah oo laga Saacidayo Dhinaca Maqalka

Burco, 20 March, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inuu dhawaan dalka imanayo maal-qabeen u dhashay dalka Maraykanka oo dhowr kun oo ka mid ah dhegooleyaasha dalka ku caawin doona qalab casri ah oo ka saacidaya dhinaca maqalka.

IMG_0129Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Axmed Ciise oo shalay ka hadlayey munaasibad madaxweyne Siilaanyo xadhigga ka jiray Dugsi loo dhisay Ardayda wax ka qabta dhinaca laxaadka maqalka, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan u hawl-galeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka dhegooleyaasah ah, isla markaana natiijadeeda dhowaan arki doona bisha Afraad ee sannadkan oo dalka ay imanayaan koox dhakhaatiir ah oo ka socota urur-mucaawimo oo uu maal-geliyo maal-qabeen Maraykanka u dhashay oo caawiya dhegooleyaasha Qaaradda Afrika.

Wasiirka oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi,  “Wasaarad ahaan mar hore ayaanu ka hawl-galnay. Waxa jira Maal-qabeen Maraykan ah oo dhegoolayaasha Afrika Caawiya, ninkaasi wuu nala soo xidhiidhay. Wuxuu maal-geliyey oo la soo saaray teknoolajiyad (Aalad) Casri ah oo qof kasta oo aan wax maqlin marka dhegihiisa la geliyo ay wax maqlayaan. Waxa bisha Afraad imanaya koox qiimayn samaynaysa oo uu ninkani la socdo isaga oo diyaaraddiisa wata, wuxuuna ballan-qaaday ilaa laba Kun oo Dhegoole inuu qalabkaas u keenayo, taasina waa bushaaro weyn, anigana farxad bay ii tahay inaan halkan ka sheego.”

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xukuumaddiisu juhdi gelin doonto wax u qabashada iyo taakuleynta dadka dhegooleyaasha ah.

 

No comments:

Post a Comment