Hargeysa (Himilo ) Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee loo yaqaano NERAD Maxamed Muuse Cawaale ayaa warbaahinta uga xogwaramay khasaarihii uu geystay ayaxii shalay ku habsaday magaalada hargeysa.
Dr.Maxamed Muuse Cawaale oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:-
“Ayaxu waxa uu ku dagay beero tiro badan oo ku yaala galbeedka gobolka maroodi jeex, kuwaasi oo uu ku da’ay roobabkii gugu oo doog iyo dalagba ka soo baxeen, guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ayaxu ku habsaday beer biyoodyo laga beero khudaarta, guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray in ayaxu ku sii wajahan yahay dalka aynu jaarka nahay ee itoobiya, inkastoo dalkaasi ay ku taalo xarunta ugu weyn ee afrika ee la dagaalanka ayaxa, sidaasi awgeedna somaliland ku gudo jirto sidii ayaxaasi ula dagaalami lahayd.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment