“Maalinta Axmed Maxamed (Siilaanyo) teeramkiisa labaad uu dhammaado ama uu haakah yidhaahdo dalka inaan Madaxweyne ka noqdo ayaan doonayaa...Laakiin, maalinta Musharraxnimada KULMIYE la gaadho Illaahay ha inna gaadhsiiyo..” Cabdicasiis Maxamed Samaale
Hargeysa, 26 March, 2014 (Himilo)- Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ah Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa tan iyo markii bishii hore la shaaciyey inuu ka tanaasulay loollankii uu ugu jiray Guddoomiye-nimada Xisbil-xaakimka KULMIYE, waxa uu markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in hankiisa iyo himiladiisa siyaasadeed aanay waxba iska beddelin, isla markaana maalinta uu Madaxweyne Siilaanyo haakah yidhaahdo ee uu Kursiga ka dago uu doonayo inuu dalka Madaxweyne ka noqdo.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey Xafiiskiisa magaalada Hargeysa Weriyeyaashu su’aalo kala duwan waydiiyeen, ayaa waxyaabihii ay weydiiyeen ay ka mid ahaayeen kuwo la xidhiidha hankiisii siyaasadeed ee uu hore u shaaciyey iyo waxa iska beddelay tartankii uu kula jiray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo uu Samaale jawaabo ka bixiyey.
“Aniga Iyo Walaalkay Muuse Biixi Cabdi wax xumaan ah oo naga dhaxeyaa ma jiraan, Guddoomiyaha Xisbiga weyaan, waan ku ixtiraamayaa, wax xumaan ah ama dhibaato ah oo hore nooga dhexeeya ama immika naga dhexeeyaana ma jiraan. Xisbiga KULMIYE-na waxa uu leeyahay Sharci, Sharcigaasaa la raacayaa, maalinta Xisbiga gudihiisa doorasho iyo loollan ka jiro cid wal oo sharcigu siinayo way u furan tahay, waa wax aad idinkuna ogtahay, ummadduna ogtahay, wax dhib ah oo jira ama aniga iyo Muuse nagu saabsan oo Xisbiga ka taagan runtii ma jirto, hadday wax jiraanna runtii wax wanaagsan baa jira. Shirka Xisbigu inuu qabsoomo ayaan anigu jeclahay, laakiin hawl Xisbi oo weyn oo Siyaasiyiinta ku jirtaa badan tahay, oo dadka damaca lihi badan yihiin oo waxa laga filayaa wayn yihiin, taasna waxaan jecelahay Su’aaleheedu inay xagga Xisbiga ku habboon tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Waxaanu Wasiir Samaale oo laga weydiiyey inuu hore u sheegay in uu yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweynennimada KULMIYE, dhawaanna turxaan-saarkii Xisbiga dhexdiisa uu ka tanaasulay Guddoomiye-nimada KULMIYE oo damac ka hayey, waxa iska beddelay hankiisii siyaasadeed, waxaanu ku jawaabay; “Xilli walba Salaadda joogta ayaa la tukadaa, maanta Qaranku Madaxweyne ayuu leeyahay, waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Dastuurku wuxu siinayaa laba Teeram (laba jeer) inuu tartamo, teeramkii koobaad ma dhammaannin wali, sannadkii afraad baa hadda u socda, sannadka shanaad wuxu ku egyahay July 2015-ka, Xaq wuxu u leeyahay Madaxweynuhu inuu mar labaad soo istaago oo isa soo sharraxo, isagay ku xidhan tahay inuu mar labaad istaago iyo in kale, taas anigu ka hadli maayo, waa arrin Madaxweynaha u taalla.”
“Anigu runtii damacayga hore waan u sheegay, maantana waan idiinku celinayaa, dalka waxaan rabaa Madaxweyne inaan ka noqdo maalinta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) teeramkiisa labaad uu dhammaado ama isagu uu haakah yidhaahdo dalka inaan Madaxweyne ka noqdo ayaan doonayaa. Waxayse taasi ku xidhan tahay tartan Asxaab. Xisbi UCID ah baa jira, Xisbi WADDANI ah ayaa jira, Xisbi KULMIYE ah ayaa jira. Musharrax uma ihi maanta anigu Xisbiga KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo jawaabta su’aashaa la weydiiyey sii watay.
Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Laakiin, maalinta Musharraxnimada KULMIYE la gaadho Illaahay ha inna gaadhsiiyo. Waxaan maanta ku taageersanahay Walaalkay Muuse Biixi oo aannu Guddoomiyaha Xisbiga ku tartamaynay waan uga hadhay Guddoomiye-nimadii, hadda tartankaa socda ee Shirweynaha Xisbiga ee la qabanayo ee Guddoomiyaha Xisbiga lagu tartamayo waxaan ku taageerayaa Muuse inuu Guddoomiyaha Xisbiga noqdo, laakiin wixii kale wakhtigiisa immika lama gaadhin.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment