Tuesday, March 25, 2014

Prof Samatar oo soo ku Taliyey in Nidaamka Aqoonsi-raadinta Somaliland loo Maro Cudud Dhaqaale




Ottowa, 25 March, 2014 (Himilo)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku taliyey in dedaallada Aqoonsi-raadinta Somaliland loo maro adeegsiga maaliyad iyo cudud dhaqaale oo lagu kasbado mawjadaha dibloomaasiyadeed ee reer Galbeedka.


Prof. Axmed I. Samatar oo todobaadkan magaalada Ottowa ee dalka Canada kaga qayb-galay kulan  soo-dhawayn ah oo jaaliyadda Somaliland u sameeyeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxa uu ka faallooday  sababaha ilaa wakhtigan aanay Somaliland Beesha uga helin Aqoonsi, isaga oo soo jeediyey in loo baahan yahay in la maro waddo ka duwan tii horay loo hayey; wuxuuna halkaas ku soo bandhiga ujeedada ay Somaliland ka leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah. Prof. Samatar ayaa waxa uu tilmaan ka bixiyey sababaha ay Somaliland uga goosatay Soomaaliya, kuwaas oo oo uu ka tilmaamay caddaadlo-daro, musuqmaasuq, karti-la’aan, hoggaan-xumo iyo nabad la’aan.


DSC_0290_JPGProf Axmed oo ka hadlay munaasibaddaas, waxa uu soo jeediyey talooyin lagu kaabi karo qaabab loo mari karo raadinta Aqoonsiga Somaliland, waxaana hadalladiisa ka mida haa, “Waa in adduunka laga dhaadhiciyo sababaha ay Somaliland u dooneyso aqoonsi, isla markaasna loo qoondeeyaa miisaaniyad aan ka yareyn $10 Milyan sannadkiiba taas oo gaar ah ololaha gooni isutaaga Somaliland, sidoo kalana la helo dad aqoon iyo xirfadba u leh in ay gaadhsiiyaan shaqsiyaadka iyo dawladaha ku haboon sababaha ay Somaliland u dooneyso aqoonsi,”ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.


Prof Samatar oo waxa uu sheegay in Somaliland ay heshay muftaaxii dawladnimada gaadhayna siyaasad deggen, dimoqaraadiyad iyo dhismaha kaabayaashii dhaqaalaha,, taasoo laga arki karo jiritaanka raad dowladnimo.


Prof. Samatar wax uu ka digay in aan Somaliland noqonin meel xukunku gacanta u galo cid gaar ah, wuxuuna ku baaqay in sida kaliya ee ay Somaliland horumar ku gaadhi kartaa uu yahay wada-jirka iyo ka wada qayb-galka maamulka dawladnimo.


Prof. Samatar waxa uu ka hadlayey dhibaatada qaadku ku hayo bulshada iyo dhaqaalaha uu sannad kasta dalka dibadda uga saaro, waxaanu sheegay dawladda Itoobiya sannad kasta dalka u soo dhoofiso badeecad qiimaheedu gaadhayo $450 milya, isaga oo xusay in $300 milyan oo ka mid ah badeecaddaas ay ku baxda jaadka laga cuno Somaliland; waxaanu ku tilmaamay dhiig-bax dhaqaale.


Prof Samatar oo khudbad dhinacyo badan ka jeediyey halkaas waxa uu ka hadlay Geeridii ku timi Alle ha u naxariistii Maxamed Suleymaan Tubeec isagoo sheegay sida uu uga xunyahay inaan la fulin dardaarankii Maxamed Suleyman oo ahaa in lagu aaso deegaanka magaalada Berbera.


Prof Samatar waxa uu intaas ku daray in sababta Maxamed Suleynaan Xamar loogu aasay ay ugu weyneyd gurmadkii dhaqaale ee Xamar looga fidiyey intuu marxuumku Xannuunka ugu jiifay  dalka Jarmalka, halka Somaliland aanay kaba ag-wareegin, sida uu uu sheegay Prof Axmed Ismaaciil Samatar.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment