Saturday, March 29, 2014

Wasaaradda Beeraha oo ka hadashay Ayax geeddi ah oo Hargeysa hadheeyey shalay iyo Qorshaha la-dagaallankiisa




“Buufinta Diyaaradda markii hore waannu diiddanayn, laakiin waxaannu u aragnaa immika inay lagama maarmaan tahay kol haddii… Meeshuu ku habsadaa waa meel gubatay oo kale” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland: Waraysi Gaar Ah


 


Hargeysa, 29 March, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa ka hadashay Ayax geeddi ah oo Jimcihii shalay hadheeyey magaalada Hargeysa, kaasoo ka yimi Jihada Waqooyi, isla markaana u jeeday dhinaca Koonfur-Galbeed, waxaanay Wasaaraddu sheegtay inay hawlgal-diyaaradeed oo lagu buufinayo Ayaxa oo ay hore uga cabsoodeen hadda qorshaynayaan inay cayayaankaas kula dagaallamaan.


Deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Awdal, Selel, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, ayuu Ayaxu ku degay qaarkood sannadkii hore daba-yaaqadiisii, halka qaarkoodna uu ku habsaday bilawgii sannadkan, isla markaana ay dadka Xoolo-dhaqataada iyo Beeralaydu cabasho xooggan ka muujiyeen markii uu ka madhiyey Daaqa Xoolaha iyo Dalagga Beeraha oo uu meelaha qaarkood xaalufiyey.


wwwHaddaba, si aynu wax uga ogaanno Ayaxaasi halka uu ka soo duulay, meesha uu ku degay iyo inuu Hargeysa iyo nawaaxigeeda wax saamayn ah ku yeeshay, waxa uu Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey Ayaxaas Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Eng. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax.


“Shaqaale ku maqani immika ma jiro (Deegaannada Ayaxu ku habsaday), tallaabada labaad sidii diyaarad loogu buufin lahaa ayaannu wadnaa..” sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey bal hawl-galkii la-dagaallanka Ayaxa ee ay bilihii u dambeeyey ku jireen halka uu u marayo hadda.


Waxaa la weydiiyey Agaasimaha guud ee Beeraha, sababta qorshaynta in hadda diyaarad lagu buufiyo keenay iyo goorta ay bilaabayaan, maaddaama oo Wasiirka Beeruhu hore u sheegay inay dadka iyo xoolaha uga cabsadeen khatarta sunta in diyaarad lagu buufiyo deegaannada Ayaxu ku degay, waxa uu sheegay inaanay marxaladda wakhtigaa ay cabsoodeen iyo ta heerka uu hadda marayaa kala duwan yihiin.


Waxaanu Agaasimaha oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Markii hore waannu diidnay, markii hore waannu diiddanayn, laakiin waxaannu u aragnaa immika inay lagama maarmaan tahay kol hadduu bahalki (Ayaxi) batay. Markaannu diiddanayn markuu dhulka marayey ee uu Koronkorrada ahaa bay ahayd oo Xooluhuna Xeeb bay wada jireen, laakiin immika waa laga soo baxay deegaannada Xeebtii. Taa wakhtiga ee goormay bilaabmaysaana, Axadda ayaannu ka wada shiraynaa qolada Hay’adda FOA, markaasaannu warkoo faahfaahsan bixin doonnaa..”


cabdilaahi-caasiSidoo kale, waxa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha la weydiiyey inay ka war-hayaan Ayaxa shalay dul-maray Hargeysa halka uu ka soo kacay, meel uu ku degay iyo inuu wax saamayn ah keenay, waxa uu ku jawaabay; “Maanta (shalay) Jimcay ahayd oo Ayaxaa magaalada Hargeysa dul-maray meel uu waxyeelay maannaan arag. Laakiin, Meeshuu ku habsadaa waa meel gubatay oo kale, daaq ha noqoto ama beere halka uu ku dagaa waxay la mid tahay meel dab maray. Sidaad la socoteenna magaalada Hargeysa kumuu degin Ayaxaas maanta (shalay) ee wuu inna dhaafay, meesha uu ku degaynay waynu ogaan.”


“Khamiistii oo aan joogay meesha la yidhaahdo Biyo-Shiinaha iyo Geed-deeble, iAyaxa oo ka yimi dhinaca Galbeedka ayuu dhinaca Bari noo dhaafay, markaa kan maanta (shalay) waxaan filayaa inuu kaasoo soo noqday uun yahay.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland.


Waxa kale oo uu Agaasimaha guud ka jawaabay su’aal laga weydiiyey halista ka dhalan karta haddii diyaarad lagu buufiyo ee ay hore u sheegeen inay ka cabsoodeen waxa hadda iska beddelay iyo sida khatartaa suntan diyaaradda loogu badheedhi karo, waxa uu yidhi; “Qoladii Khoborada ahayd ee nooga timi Roma iyo Itoobiya, waxay noo sheegeen inaanay dawada maanta la isticmaali doono oo Maliton la yidhaahdaa wax saamayn ah iyo halis ku lahayn dadka iyo xoolaha toona, waa siday noo sheegeen khoboradu.”


Mar Agaasimaha guud su’aal aannu ka weydiinnay saamaynta ka dhalan karta Koronkorta Ayaxa bilihii u dambeeyey deegaannada Somaliland joogay uu aasay, waxa uu yidhi; “Ayaxan immika duulayaa muu gaadhin wakhtigii uu dhasha dhigayey ee waa Koronkorradii immika dillaacday ee qaan-gaadhay oo soo duushay. Heer-kulka deegaannada Xeebta wakhtigan ka jiraana uma oggolaanayo in Koronkor aasani dillaacdo.”


Waxay dadka qaarkoood saadaaliyeeen in deegaannada Koonfur-galbeed ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ama kuwa ku yaalla xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland uu ku beegan yahay Ayaxaasi oo laga yaabo inuu ku dego, balse wali war faahfaahsan lagama hayo meesha uu ku degay Ayaxaas hayaanka ahaa ee shalay sida Daruuraha si ku dhaw u hadheeyey magaalada Hargeysa intii uu dul-marayey.


Deegaannada inta badan dhulka Xeebta ah ku yaalla ee ka tirsan gobollada Selel, Awdal, Saaxil, Sanaag, Waqooyiga fog ee Hargeysa, ayaa ah dhulka uu sida wayn ugu degganaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey, dadweynaha ku dhaqanina cabashada xooggan ka muujiyeen saamaynta uu ku yeeshay Ayaxaasi. Ayaxa ku habsaday gobollada kala duwan ee dalka Somaliland, ayaanay dawladda iyo Hay’adaha arrintaa kala hawlgalayay aanay haba-yaraatee wax xal ah u helin la-dagaallanka Ayaxa, isla markaana marba marka ka dambaysa waxa uu ku sii fidayaa deegaamo hor leh.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment