Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi.
Hargeysa 26 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa beeniyey jiritaanka warar maamulka Puntland ku eedeeyeen Somaliland, kana hadlay xidhiidhka u dhexeeya Qaramadda Midoobay iyo wakiilkooda Soomaaliya ee Nicholas Key.
Dr. Biixi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Wasaaradda Arrimaha dibadda, ayaa sheegay in xidhiidhka ay wadaagaan wakiilka QM ee Soomaaliya Mr. Key uu wanaagsan yahay, dhowaana kulan yeelan doonaan,
“Wax colaad ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Qaramadda Midoobay ma jiraan. Nicholas Key, waa ergeyga Qaabilsan Soomaaliya, xidhiidhkayaguna ma xuma, waxaana laga yaaba inaan dhowaan kulan.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayey eedo maamulka Puntland u jeediyeen Somaliland inay taageerto Shabaab ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin, uguna baaqay inay ilaaliyaan xidhiidhka jaarnimada ay wadaagaan Puntland oo gobol Soomaaliya ka tirsan u aqoonsan yihiin, waxaanu yidhi, “Arrimaha uu ka hadlay siduu u arko inay ka dhacayaan Somaliland iyo Puntland, wadamo fara badan oo nala soo xidhiidhayna sheegeen, Puntland maaha dawlad ee waa gobol Soomaaliya ka tirsan. Somaliland cilaaqaadka ay la leedahay Puntland waa gobol Soomaaliya ka tirsan oo jaar aanu nahay. Cilaaqaad kale oon la leenahay Puntland oon jaarnimo ahayn ma jirto. Puntland wararka ay caalamka u gudbiyeen in Somaliland mushkilad ka imanayso waxba kama jiraan. Waxaanu leenahay dad nabad iyo wanaag jecel ayaan nahay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment