Tuesday, March 18, 2014

Somaliland iyo Midowga Yurub oo ka wada Hadlay Xakamaynta Tahriibta Dhalinyarada

Gothenburg, 18 March, 2014 (Himilo)- Kulan shalay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ku dhexmaray Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Midowga Yurub iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas, ayaa lagaga hadlay sidii laysaga kaashan lahaa Xakamaynta aafada Tahriibta dhalinyarada Somaliland ee ku sii hayaamaysa dalalka Yurub.

Safiirka Sweden Ms Rooda J. Cilmi iyo EU Ms CecilliaSafiirka Somaliland u fadhiya dalka Sweden Danjire Rooda Jaamac Cilmi iyo haweenay guddoomiye u ah guddiga Arrimaha Gudaha ee Midowga Yurub oo lagu magacaabo Anna Cecilia Malmström, ayaa qabsoomidda kulankoodu la xidhiidhaa kulan lagu soo bandhigayo qorshe dalka Sweden taageero kaga geysanayo ganacsiga iyo maal-gashiga Soomaalida , kaas oo qabsoomiddiisa loo muddeeyey horaanta bisha soo socota.

Danjire Rooda Jaamac oo xalay khadka telefonka ugu warrantay wariye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan bahda Wargeyska Himilo iyada oo ku sugan magaalada Gothenburg ee kulanku ka qabsoomay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobbo dhowr ah oo labada dhinac ka wada hadleen, kuwaas oo khuseeya dhinaca taageerada horumarinta, siyaasadda iyo xakamaynta dhalinyarada Somaliland ee tahriibta ku gala dalalka Yurub iyo sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha gun-dhigga u ah aafada tahriibta ee shaqo-la’aantu ka midka tahay.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Sweden oo ka hadlaysa waxyaabaha ay labada dhinac ka wada-hadleen waxa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxaan kala hadlay dhibaatooyinka ay Aqoonsi-la’aantu leedahay oo ay keeni karto dhalinyaro badan oo dalka ka tahriibta. Maadaama ay Arrimaha gudaha u qaabilsan tahay Midowga Yurub, waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu ka wada-hadalnay waxa weeyaan dhibaatada tahriibtu waddankeenna iyo dadkeenna u keenayo iyo waxyaabaha ay Yurub ka caawin karto dhalinyarada dalkeenna,” ayey tidhi Danjire Rooda.

Rooda Jaamac waxa ay sheegtay inay haweenayda Midowga Yurub ka socotay ee kulanku dhexmaray ay ka garowday waxyaabo badan oo ay ka codsatay in Somaliland laga taageero, isla markaana ay u gudbin doonto Golaha Midowga Yurub, wixii jawaab ah ee kaga soo noqdana ay ku soo war-gelin doonto.

Danjire Rooda Jaamac Cilmi waxa ay sheegtay inay haweenaydan u soo bandhigtay inay u iftiimiso aragtida Midowga Yurub ka qabto inay Somaliland ku taageeraan baadi-doonka Aqoonsi ay beesha Caalamka ka hesho, waxaanay hadalladadeeda ka mid ahaa, “Waxay igu tidhi, Midowga Yurub waxa uu ka kooban yahay waddamo isu tagay, waddan walibana sharciyaddiisa goonida ah ayuu eegayaa. Waxay tidhi, way fiican tahay inay Somaliland hesho, laakiin waa inaad kulamo iyo wada-sheekaysi la yeelataan madaxda Yurub oo idinka laydinka arkaa sidaad arrintiina u muujinaysaan,” sidaas ayay tidhi Danjire Rooda oo ka warramaysay kulanka dhexmaray Ms Cecillia Malmstrom oo hore u ahaan jirtay Wasiirka dalka Sweden u qaabilsan Midowga Yurub.

No comments:

Post a Comment