Thursday, September 4, 2014

Al-Shabaab oo ka hadashay Khasaaraha ka dhashay Weerar Maraykanku ku bartilmaameedsaday Axmed Cabdi Godane

Saraakiil Sirdoon oo iftiimiyey in Axmed Cabdi Godane la dilay iyo Jawaabta Al-Shabaab

Muqdisho, 04 Sept, 2014 (Himilo)- Inkasta oo ay Saraakiisha Ciidamada ee dawladda Maraykanku shaki geliyeen in hawlgal Ciidan iyo Duqaymo diyaaradohooda aan duuliyaha lahayni ku bartilmaameedsaneed deegaanno la sheegay inay Al-Shabaab Saldhigyo ku leeyihiin oo ay ku shirayeen Saraakiisha sare ee Kooxdaas ku dileen Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa waxay dawladda Soomaaliya ku adkaysanaysaa in hawlgalkaas lagu khaarajiyey Amiir Godane.
KENYA-ATTACK-SHEBAB-GODANESarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya wuxuu sheegay inay si aad ah u rumeysn yihiin in la dilay Godane. Sarkaalkan oo u warramayay Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, ayaa sheegay inay aammisan yihiin inuu dhintay Axmed Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubery, inkastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin jiritaanka warkaas.
“Waxaa jira hadal-hayn aad u xooggan oo sheegaysa inuu dhintay…Taasina waxay u baahan tahay xaqiijin, mana ahan wax fudud in la xaqiijiyo.” Sidaa ayuu yidhi Sarkaalka ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ee u warramay AFP oo ka gaabsaday in maciisa la shaaciyo. Waxaanu intaas ku daray; “Waxaan rumeysanahay in hoggaamiyihii Al-shabaab uu geeriyooday, balse weli ma aanan arag Meydkiis, inta badanna waxaa la rumeysan yahay inuu duqeynta ku dhintay.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay Sakraalkan inaanay weli Al-shabaab arrintan ka hadlin, welina waxaanu qiimeynaynaa xaaladda. Isagoo ku adkeystay inuu dhintay Axmed Cabdi Godane. Wakaaladda wararaka AFP, ayaa sheegtay in xidhiidh ay la sameysay Saraakiisha Al-shabaab ay diideen inay ka hadlaan warkan ku saabsan in la dilay Amiirka kooxdooda.
“Ma doonayno inaan ka hadalno dacaayadaha ay baahinayaan Mareykanka oo ah inay dileen hoggaamiyahayagii Amiir Axmed.” Sidaa ayuu AFP u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab oo ay Wakaaladdu xidhiidh la samaysay.
Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen laba gaadhi oo uu saarnaa Amiirka Al-shabaab habeenkii Isniinta, balse weli ma shaacin in hoggaamiyihii Xarakada Al-shabaab ay duqeynta ku dileen iyo in kale, balse waxay sheegeen Masuuliyiin u hadlay dawladda Soomaaliya in deegaan ay ku shirsanaayeen Saraakiisha sare ee Al-Shabaab oo Godane-na ku jiray diyaaradaha Maraykanku bar-tilmaameedsadeen habeennimadii Isniinta ee Salaasadu soo galaysay, isla markaana ay aamminsan yihiin in Amiirka kooxdaas lagu khaarajiyey.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay lix Sarkaal oo iyaga ka tirsan, inkastoo aanay sheegin inuu ku jiray hoggaamiyahooda iyo in kale, halka Saraakiil Mareykan ahi ay sheegeen in la rumeysan yahay inuu ku dhintay Godane weerarkaas.
Axmed Cabdi Godane oo da’diisa lagu sheegay inay tahay 37-jir, ayaa la sheegay inuu tabobbar lasoo qaatay xoogagga Daalibaan ee dalka Afgaanistaan, isagoo xilka hoggaanka Al-shabaab qabtay sannadkii 2008, ka dib markii hoggaamiyihii kooxdaas Aadan Xaashi Cayrow uu Mareykanku ku dilay duqeyn diyaaradeed.
Dawladda Mareykanka ayaa hore Madaxiisa u saartay Axmed Cabdi Godane lacag dhan toddoba Milyan oo Doollar, taasoo la sheegay in la siinayo ciddii soo sheegta xog ku saabsan halka ay ku nool yihiin isaga iyo ilaa shan Sarkaal oo kale oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Kooxda Al-Shabaab.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerar culus ku qaaday xarumo dawladdu ku leedahay Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Madaxtooyada, Godka Jilicow iyo dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarka Maraykanku ku qaaday Saraakiisha Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmay markii Isniintii toddobaadkan uu magaalada Muqdisho ka degay Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral Well Crisp, kaasoo la kulmay Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), isla markaana kormeer ku sameeyey xarumaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment