Raggan la qabtay oo tiradooda lagu sheegay Saddex Nin, ayaa kasoo laabtay Bariga Qaaradda Afirka oo ay u tageen Safarro shaki muujiyey.Dadkan ayaa looga shakisan yahay in ay ka mid ahaayeen ururka Alshabaab ee la dagaalama dowlada Soomaaliya.
Afhayeen u hadashay xafiiska xeer ilaaliyaha Karlsruhe ayaa u xaqiijisay wakaalada wararka ee DPA maanta in saddexdan ruux la xidhey Sabtidii aynu ka soo gudubnay, isla-markaana lagu wado Baadhitaanno kala duwan.
Hase ahaatee afhayeenka u hadlay xeerilaalinta ayaan shaacin magacyada saddexda ruux ee loogaga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen ururka Alshabaab ee lagu xidhey garoonka dayuuradaha ee magaalada Frankfurt.
Sidoo kale lama oga in saddexdan ruux ay qorsheynayeen in weerar gaar ah ay qorsheynayeen.
Xadhigan ayaa imanaya toddobaad kadib markii weerar gantaallo ah lagu dilay hogaamiyihii ururka Alshabaab Axmed Godane.
Ururka Alshabaab ayaa waxaa xubno ka ah dhalinyaro badan oo ka tagtay wadamada reer Galbeedka kuwaasoo ugu biirey inay ka qeybgalaan dagaalada uu ururku ka wado wadamo ku yaal geeska Afrika.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment