Diyaaraddan ayaa la sheegay inay kormeer ku samaynayso xuduudaha Badda, isla-markaana sawirro kasoo qaadaysa Maraakiibta sida sharcidarrada ah uga kalluumaysanaya.Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Colow Barrow, ayaa sheegay in Diyaaradan ay soo kireysteen muddo lix bilood ah, wuxuuna magaceeda ku sheegay Fish Patrol.
Shaqada ay qaban doonto, ayuu sheegay inay tahay in todobadkiiba hal mar ay soo kormeerto badda Soomaaliya, sidoo kalena ay sawiro kasoo qaado maraakiibta iyo doomaha sida sharcidarada ah uga kaluumeysta badda Soomaaliya si loola xisaabtamo doomaha iyo maraakiibtaasi.
Qorshahan cusub, ayaa Wasiir Barrow, wuxuu ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo kheyraadka ku jira badda Soomaaliya si looga celiyo maraakiibta sida sharcidarada ah uga faa’iideysanaysa gurashada Kheyraadka badda ku jira.
Sawirada laga soo qaado Maraakiibta iyo sumadaha ay leeyihiin ee lagu garan karo, ayaa waxaa loo gudbinayaa caalamka si loogu dacweeyo caalamka, kadibna tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.
Waa qorshihii ugu horeeyay ee nocan ah oo ay soo bandhigto Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, si loo ilaaliyo kheyraadka faraha badan ee badda ka buuxa.
Maraakiib Shisheeye ayaa si sharcidaro ah u gurta Kheyraadka kala duwan ee ka buuxa badda Soomaaliya, mana jiraan cid si cad ula xisaabtanta khaladaadka ay samaynayaan Maraakiibtaasi.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment