Hargeysa, 04 Sept, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Golaha Wakiillada ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa iftiimiyey tallaabooyin uu sheegay inay caqabad ku yihiin qabsoomidda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka oo xukuumaddu hormood ka tahay, ka dib markii, sida Guddoomiye Cirro sheegay, Golaha Wakiillada loo gudbiyey xeer-nidaamiye ka duwan shuruuc loogu talo-galay dejinta xeerarka diiwaangelinta oo Guddiga doorashooyinku u gudbiyeen xukuumadda.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay xukuumaddu golaha Wakiillada u gudbisay xeer-nidaamiye loogu talo-galay Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaasha oo hay’adaha Xeer-dejinta ee dalku aanay wax xeer ah hore ugu samayn, taasina ay ka horimanayso heshiis beesha Caalamku goob-joog ka ahayd oo xukuumadda iyo axaabsta siyaasaddu meel isla dhigeen.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad xisbiga Waddani ku qaabilay taageerayaal cusub oo ku biiray, waxa uu sharraxaad ka bixiyey aragtida ay xisbi ahaan ka qabaan labada diiwaan-gelinood ee la qorsheyey inay dalka ka qabsoomaan ka hor inta aan la gaadhin doorashooyinka la filay inay sanadka dambe ka dhacaan dalka. Waxa kale oo uu ka hadlay natiijada kulamo dhexmaray labada guddoomiye Mucaarad ee isagu ka mid yahay iyo Madaxweyne Siilaanyo.
Md Cirro oo ugu horeyn sharraxaad ka bixinayey kulamo dhexmaray Axsaabta siyaasadda, Xukuumadda iyo qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka oo lagu go’aamiyey qaabka dalka looga qaban karo laba diiwaangelinood ka hor doorashada inta aan la gaadhin sannadka dambe iyo xalka looga gudbi karo haddii ay suuroobi-weydo in labada diiwaangelinoodba la qabto, waxa uu yidhi, “Waxan jecelahay inaan shacabka fahansiiyo diiwaangelinaha la is garab wado iyo doorashada raadka ay ku leeyihiin, maadaama aynu ku wadnay inay doorashadu qabsoonto sanadka 2015-ka, waxana Guddida diiwaangelinta, Akademiga Nabadda iyo Horumarinta, Axsaabta qaranka iyo waaaradda Arrimmaha guduhu bilaabeen bishii shanaad ee Sanadkii dhammaaday in laga hadlo arrimaha Diwaangelinta iyo doorashooyinka, waxana la isla qaatay in laba diiwaangelinood oo kala ah Diiwaangelinta codbixyayaasha iyo midda Muwaadiniinta dalku u baahan yahay, waxana la go’aansday in labada diiwaangelinood aan la is dhinac wadin, go’aankaasina waxa uu ahaa go’aan la wada qaatay oo qaranka oo dhami wada qaatay.
Bishii toddobaad 2013-kii, waxa xafiiska arrimaha Gudaha axsaabta qaranka, Komishanka iyo wasaaradda Daakhiligu ku saxeexeen in labadaa diiwaangelinood qaranku u baahan yahay oo ay kala madax bannanaadaan isna garab socdaa, hesshiiskaasna waxa loo gudbiyey Deeq bixiya-yaasha.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaanu mar kale Hutel Ambassador ku saxeexnay mar kale anagoo u sheegayna deeq-bixiyayaasha in diiwaangelinta Muwaadiniintana ay ka masuul tahay wasaaradda Daakhilgu, diiwaangelinta codbixiyayaashana ay ka masuul tahay Guddida doorashooyinka qaranku, si taas loo sii xoojiyo 17-kii bishii11aad ee 2013-kii waxa uu madaxweynuhu uu waraaq uu nuxurkeedu ahaa kala-madax bannaanaanta labada diiwaangelintood iyo inuu taageersan yahay heshiiskaas ay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Komishanka doorashooyinka iyo axsaabta qaranku kala saxexdeen uu u gudbiyey deeq-bixiya-yaasha iyo asxaabta qaranka.”
Guddoomiye Cirro oo ka sii hadlayey geeddi-socodkii kulamada lagu gorfeeyey caqabadaha ka hor iman kara labada diiwaangelinood ee Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaaasha iyo aragtiyihi laga dhiibtay, waxa uu yidhi, “Markii uu soo baxay Madmadow in labada diiwaangelinood is dabrayaan, waxa ay deeq-bixiyayaashu codsadeen arrintaa in la qeexo waxaana ay wasaaradda arrimaha Guduhu caddaysay bilwogii 2014-kii in labada diiwaangelinood aanay is dabrayn, waraaqdaas waxa ku suntan haddii diiwaangelinta Madaniga ahi dhamaan weydo wakhtiga ay bilaabmayso diiwaangelita codbxiyayaashu in muwaadin kasta oo yimaadda goobta diiwaangelinta wasaaradda Daakhiligu ay halkaas ku siiso warqadda Aqoonsiga.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xukuumaddu Golaha Wakiillada u gudbisay Xeer aan ka soo bixin guddiga Doorashooyinka, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo hor u dhac u ah caqabado xukuumaddu dib ugu ridayso doorashooyinka. “Waxa la yaab noqday in mad axweynuhu 19-kii bishii 8aad ee 2014 Golaha wakiillada u soo gudbiyey xeer magac cusub wata oo la yidhaahdo ‘Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiya-yaasha’ oo wata numberka xeerkii hore, xukuumadda Somaliland-na hore xeer-dejinta ugumay soo gudbin Xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta. Markaa xeer hore oo dhaqangal ah oo arrintmaas ka yaallay ma jirin, Xeer aan jirina kaabis laguma samayn karo, Arrintaasna markii ay axsaabta qaranku ka waraysteen Komishanka Doorashooyinka, waxa ay u caddeeyeen in xeerka madaxweynuhu Golaha keenay aanay ahayn kii ay iyagu u gudbiyeen iyo in haddii sida uu xeerku haatan yahay haddii lagu ansixiyo inaanay diiwaangelinta codbixiya-yaashu qabsoomi Karin. Waxaana ay taasi ku tahay caqabad Qasboomidda Diiwaangelinta codbixiya-yaasha iyo qabsooomidda Doorashada,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu ka hadlay kulan dhexmaray madaxweyne Siilaanyo oo isaga iyo guddoomiyaha UCID ugu gudbiyeen madaxweynaha aragtida ay ka aamisan yihiin labada diiwaangelinood ee muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha dabayaaqada bishii hore, madaxweynahana ay ka dalbadeen laba maalmood ka dib kulankooda inay jawaab ka heleen, balse ilaa immika aanay wax jawaab-celin ah ka helin dhinaca madaxtooyada.
“Inagoo dhaqanka Somaliland ee wada-tashiga iyo is-xilqaamidda iyo wada-hadalka raacayna, waxa aniga iyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe ergo ugu tagnay Madaxweynaha Somaliland, waxa aanu u sheegnay in qaranku ku heeshiiyey kala madax-bannaanaanta labada diiwaangelinood iyo inaanay is-dabrin si labaduba inoogu qabsoomaan. Ergadaas aanu madaxweynaha ugu tagnay oo ahayd 23-kii bishii siddeedaad, waxaanu ka codsanay inaanu jawaab ka helno ka hor 25-kii bishaas maadaama ay dalka imanayeen wefti kasocda Deeq bixiyayaasha, wax jawaab ah oo nagaga soo noqdayna ma jirto,” ayuu yidhi.
Md Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay xisbi mucaarad ahaan inaanay xukuumadda ka aqbali doonin tallaabo kasta oo caqabad ku noqon karta in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, haseyeeshee waxa uu kaga dhawaajiyey inay xisbi ahaan waan-waan iyo wada-hadal kula dhammayn doonaan xukuumadda caqabad kasta oo hor-istaagi karta geeddi socodka diyaar-garowga doorashada, waxaanu yidhi, “Qaranku waxa uu u baahan yahay in wada shaqayntii la soo celiyo, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay soo celiso wada-shaqayntii hay’adaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khusayso arrinta doorashadu, lana soo celiyo kala madax Bannaanta Diiwaangelinta codbixiya-yaasha iyo Muwaadiniinta. Xisbi ahaan waxaanu ku dedaali doonaa in arrintaas wada-hadal lagu dhameeyo, laakiin marnaba aanaan aqbalaynin carqalad la sii wado si dib u dhac ugu yimaado doorashada.”
Ugu dambayntii, Md Cirro waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay dalka ka hirgeliso doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta,
“Waxa jira in sanadka 2016-ka waxa caalamku qorshaynayaa in Dalkii Somalia la odhan jirey doorasho loo qabto, haddii aan qaranka lala sugaynin doorashadaas, waxanu jecelahay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.
Hadalka guddoomiye Cirro ku soo bandhigay duruufaha ku gedaaman diyaar-garowga doorashooyinka la filayo sannadka dambe inay dalka ka qabsoomaan, ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hortagay Aqalka Wakiillada Somaliland oo xukuumaddu xeer-nidaamiyaha diiwaan-gelinta u gudbisay, waxa uu halkaas ka sheegay in golaha wakiilladu dusha ku qaadanayo masuuliyadda dib-u-dhac ku yimaadda doorashada haddii aanay gole ahaan ansixinin kaabista xeerka diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee guddoomiye Cirro ku tilmaamay inaanay ahayn xeer-nidaamiyihii Guddiga Doorashooyinku u gudbiyeen Xukuumadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment