
Warbixin lagu qoray wargeyska New York Times ee Maraykanka kasoo baxa ayaa waxaa lagu sheegay in Axmed Cabdi Godane oo Shababku ugu yeedhaan Sh, Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr inuu hadda ka mid yahay shaqsiyaadka loogu doon doonista badan ee dambiyada loo haysto.
Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka warbixin cusub oo ay daabacday waxay ku sheegtay in Axmed Godane uu yahay qofka Sideedaad ee Maraykanku xilligan aadka u doon doonayo waxaana madaxiisa dul taal lacag dhan 7 million oo Dollar.
Sarkaal u hadlay Maraykanka waxaa uu xusay in Abu Zubeyr oo ahaa badhtilmaameedka weerarkii habeen ka hor Sh/hoose ka dhacay uu yahay shaqsi si weyn loo doon doonayo oo baadi goob xoog leh loogu jiray.
“Waa hogaamiye Maraykanku si weyn u doon doonayo waana shaqsiga 8-aad ee xilligan loogu doon doonista badan yahay” waxaa sidaas yidhi afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka u hadlay Waxaa jiray xubno Soomaali iyo ajaanib iskugu jiray oo lacag badani dul taalay oo Soomaaliya lagu dilay qaarkoodna gacanta Axmed Godane ayaa lagu tuhmayaa.
Dadka la tuhunsanyahay in amarka Godane lagu dilay waxaa ka mid ah Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad oo Ibrahim Afghan ku magac dheeraa iyo Abu Mansuur Al-Amiriki oo ka mid ahaa ajaanibta Shabab ka bar bar dagaalamayay.
Maraykanka oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Sh/hoose si rasmi ah ugama dhawaaqin inay dileen Axmed Godane hogaamiyaha Al-Shabab sidoo kalena saraakiisha la yaqaan ee Al-Shabab kama aanay hadlin dhacdadan marka laga reebo sarkaal magaciisa ku sheegay Abu Mux’ed oo xaqiijiyay in mid ka mid ah gaadiidka la duqeeyay uu hogaamiyahoodu saarnaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment