Isku-shaandhayntan uu madaxweynuhu sameeyey, ayaa kadambaysay kulan ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirradu, kaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jigjiga.Shirkan Golaha Wasiirada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu shirgudoominayay Madxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa kadib waxa uu soo saaray wareegto, Hadaba iyadoo dhamaystiran ayay u dhignayd Sidan:
C/risaaq Saxane oo hore u ahaa Maayirka maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komiishineerka Booliska DDSI
C/wahaab Rashiid oo ahaa maareeyaha Horumarinta Webiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kulliyada Cabdul-majiid(TTC)
Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday Wasiirka Cadaalada
Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday Kuxigeenka Beeraha
Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha
Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Guddoomiyaha Degmada Wardheer wuxuu noqday Kuxigeenka Hogaanka Nanabd-galyada iyo Cadaalada
Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha
Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Guddiga Dabagalka Xafiiska Madaxweynaha
Cabdi Geedi oo ahaa Gudoomiyaha Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga
Cabdicasiis Maxamed Cumar oo ahaa madaxa Maaliyada degmada Raaso,wuxuu noqday ku xigeenka Dakhliga
Cabdifataax Sheekh Cali Caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday ku xigeenka Dakhliga
Mudane Wacays Xasan oo ahaa hormuudka Kulliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic
Ilyaas Abiib oo ahaa ku xigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday ku xigeenka TTC Dhinaca maamulka Maaliyadda
Maxamed Ibraahin Cabdilaahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka Nabad-galyada iyo Cadaalada
Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka Waxbarashada kuxigeenka Wakaalada Dhismaha arimaha biyaha
Axmed Maxamed Shukri la-taliyaha Madaxa arimaha Xidhiidhka Dadwaynaha kuxigeenka waxbarashada
Bashiir Axmed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka.
Irshaad Cali Nuur Agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada
Subeer Cabdilaahi Axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah
Aamiin Daahir Dabagalka Maamulka la-taliyaha wakaalada Warbaahinta
Cabdi-kuus Cabdilaahi Saleebaan kuxigeenka la-taliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha
Cali Ugaas Cabdi Kuxigeenka Wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka
Faarax jaamac yuusuf Gud Deg afdheer kuxigeen
Cabdirisaaq Dayib Kuxigeenka Xeerilaalinta wuxuu noqday kuxigeenka wakaalada Dhismaha
Gobolada:-
Maxamuud Xaaji Cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuu noqday gudoomiyaha Gobolka Shabeele
Maxamed Axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dhagax-buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer
Cabdi Cali Mataan(Cabdi Ganay) oo ahaa Gud De-awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment