

Ardayda ka qalin-jabisay Admas University College oo dhammaystay culuumta lagu barto kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo faraceeda 1aad ku yaala magaalada Addis Ababa ee Ethiopia, waxa munaasibadda loo sameeyey ka qayb-galay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, madaxda ka socotay dawladda Itoobiya, maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda, waalidiin iyo Marti-sharaf kale.Guddoomiyaha Jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa Ixsaan Cumar oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay sannadkan Jaamacadda ka qalin-jabinayaa in ka badan 400 oo arday isla markaana ay jaamacaddu muddadii ay dhisnayd Somaliland xidhiidho la samaysay jaamacado tiro badan oo ku kala yaalla caalamka.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Admas qaybteeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ku-xigeenka Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa, kuwaas oo ardayda Jaamacadda Admas ee Hargeysa ku bogaadiyey guusha ay gaadheen.
Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa iftiimiyey doorka ay jaamacadda Admas kaga jirto waxbarashada sare ee dalka, iyada oo wasiir Samsam xustay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Jaamacadda iyo wasaaradda Waxbarashada.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ugu dambayntii ka hadlay munaasibadda, ayaa ardayda iyo maamulka Jaamacadda ku hambalyeeyey guusha ay gaadheen, waxaanu ugu dambayntii uu halkaas shahaadooyinkooda ku guddoonsiiyey ardaydii ugu derejo saraysay. Waxa halkaas madaxweynuhu guddoonsiiyey ardaygii Kaalinta koowaad u galay kulliyadaha Jaamacadda Koob ay Jaamacaddu bixiso sannad kasta.
Waxa xusid gaar ah mudan Shahaado Sharaf aad u qiimo badan oo Maamulka Jaamacada ay ugu talo galeen Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi waraabe) oo uu madaxweynuhu guddoonsiiyey, iyada oo sidoo kale Jaamacaddu iyada oo jaamacaduna xaajiga ku maamuustay inay ugu magac daridoonaan scholarships-kii ay bixin jireen markii hore ay hada ugu magac dareen Scholarshipka Xaaji Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment