Thursday, September 18, 2014

Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhawaaqa Mucaaridka, Soona Dhaweeyey In Xeerka Diiwaangelinta La Turxaan Bixiyo

Hargeysa:Sep,14,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Yooyootanka Dhinaca Diwaangelinta Madaniga ah ee dhex yaalla Mucaaridka iyo Xukuumadda Xisbigiisa ka timi ee uu Madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo.

muuse biiiixiMuuse Biixi Cabdi oo Maanta u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa sheegay inaanu jirin wax ballamo ah oo ay kaga Baxeen Axsaabta mucaaridka, waxana uu soo dhaweeyey talo dhinacyada is hayaa iskugu yimaadaan oo heshiis laga gaadho.

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu xaqiijiyay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo isaguba saxeexeen heshiiska Mucaaradku ku doodayo ee ah in labada diwaangalinood isbarbar socdaan, waxana uu soo dhaweeyey in xeerkaas laga beddelo wixii muran keeni kara.

“Khilaafkan imika jira ee la buunbuuninayo, dadkii oo dhan waxay(Xisbiyada Mucaaradka ah) ku wareeriyeen heshiis baa la galay, Anagu waxaanu ka taaganahay heshiiskii la galay baanu Ogolahay.Anigoo Gudoomiyaha Kulmiye ah iyo Madaxweynaha ayaa saxeexnay.waxaanu nidhi labada diwaangalinood ba ha socdaan oo mid waliba hawsheeda ha qabsato. Dee meel aanu ku nidhi ha la daahiyo Diwaangalintii codbixiyaha iyo meel lagu horjoogsanayo Saxaafad baad tihiine miyaad haysaan? Marka dee wakhtigeedu yimaado hawsheeda waa in la bilaabaa” ayuu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Muuse Biixi

Gudoomiyaha Kulmiye oo ka sii hadlaya Muranka Diwaangalinnaha waxa uu sheegay inay ogol yihiin sixida Xeerka Wakiilada horyaala ee sheegaya in qof aan haysan kaadhka aqoonsigu qaadan Karin ka codaynta waxaanu yidhi“Xeerkan lagu murmayo ee Golaha yaala, Golihii buu yaalaa, wixii shaki laga qabo ama sixid u baahan ee Umadda waxyeelayana waa inaynu dhamaanteen u guntano oo la saxo, wixii umadda wax u tarayana la ogolaado.

 

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu farriin u diray Xisbiyada Mucaaradka ah “Saaxiibaday waxaan leeyahay halkaas ayay inoo maraysay, waxaa ku xigtay waanu qaadacnay, dee horta Gudoomiye Cirro oo gudoomiyihii wakiilada ahi haddii uu leeyahay diwaangalintii waan ka baxay oo Faysal Cali Waraabe leeyahay diwaangalintii qaranka ayaan ka baxay sidee loo wada hadlayaa, waxaanu leenahay ka noqda ka bixida oo isku keen keena.waxa aad tabanaysaan sheegta, dalkana wuxuu ku soconayaa in la isdhegaysto, la isku garaabo si miyir qabtana loo wada hadlo”

Himilo Media

No comments:

Post a Comment