
Fannaanada Sahra Halgan ayaa sheegay inay xisbiga Waddani ku biirtay, iyadoo sababtana ku sheegtay inay u aragto xisbiga ka fog Qabyaaladda iyo kala qoqobidda bulshada reerr Somaliland.
Sahra Halgan ayaa sheegtay inay xisbiga waddani u aragto xisbi ka turjumaya dareenkeeda, isla-markaana dhinaca iska dhigay Eexda iyo waxyaabo badan oo bulshada dib u dhigi kara.
Sahra Halgan ayaa ka mid ahayd Mujaahidiintii waaweynayd ee Ururkii SNM, waxana ay in muddo ah ku noolayd dalalka Qurbaha, iyadoo soo qaaday heeso ka hadlay qiimaha waddaniyadda, laguna dhiiregelinayo inay shacanka reer Somaliland noqdaan qaar isku duuban oo wax waxa Qabsada.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment