“Waxaan ku talin lahaa in la kala reebo labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaan odhan lahaa ta Baarlamaanka hala qabto, ta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeen-kana..” Prof: Axmed Ismaaciil Samatar
Hague, 06 Sept, 2014 (Himilo)- Siyaasiga Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo hore uga digay inay halista Somalia ugu jirto inay noqoto meel ay jagada Madaxweynaha leeyihiin keliya labada reer ee Daarood iyo Hawiye, ayaa ku taliyey si taas looga badbaado in aan loo baahnayn inay Somaliland keliya yeeshaan jagadaas Beelaha Isaaq iyo Samaroon in kolba midkood qabato beesha kalena ku-xigeen u noqoto, taasoo uu sheegay inay dadka Somaliland wada degaa ku kala fogaan karaan.
Prof Samatar, ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka reer Somaliland ee aan ahayn Samaroon iyo Isaaq inay la yimaaddaan qorshe iyo barnaamijyo siyaasadeed muujinaya kalsoonidooda, isla markaana ay ku hanan karaan hoggaaminta dalka iyaga oo aan ku laaban guryohooda oo aan deegaannada ay gaarka ugu dhasheen ka soo cabannin, kana soo dagaal-gelin, isagoo si gaar ah ula hadlayey Beelaha Bariga Somaliland dega, waxa uu u soo jeediyey inay taas la yimaaddaan, si nabadgelyo ah iyagoo aqoonta iyo dimuquraadiyadda adeegsanaya ay muujiyaan inay dalka la leeyihiin labadaas Beelood.
Axmed Ismaaciil Samatar oo wax laga weydiiyey sida uu u arko Dr. Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan Kooxda la baxday Khaatumo u dooratay Madaxweyne oo ay muddooyinkii dambe dhinaca siyaasadda saaxiib ku ahaayeen, waxaanu ku jawaabay; “Dhakhtar Cali Khaliif dadkii Jaamacadaha ee naga horreeyey ayuu ahaa, annagu yaraantayadii ismaannu aqoon, iskuulna maanu soo wada gelin oo yaraan iskumaannaa soo gaadhin. Barashadayadu waxay ka bilaabantahay sannadihii ugu dambeeyey siyaasadda xagga geeska Afrika iyo sida ay yihiin, Soomaaliya iyo Somaliland labadaba waannu ka sheekaysannay, dee nin cilmi leh oo wax bartay oo sharaf ku leh ummadda Soomaalida wixii gobannimada ka dambeeyey weeye, Jagooyin sarena soo qabtay, markaa taariikhdaasi way u qoran tahay oo cid ka dafiri karaysaa ma jirto. Laakiin, arrintan ku saabsan in Khaatumo madax looga dhigay waxaan ka odhan karo oo iiga bannaan anigu garan maayo.”“Anigu-se waxaan aamminsanahay isku jirka iyo isku haynta Somaliland siday ahaan jirtay 1960-kii, wixii dadka reer Somaliland ee in la saxo u baahan horena waan u idhi immikana waan ku celinne in la saxo oo weliba deg-deg loo saxo waa lagama maarmaan, taasina waxay markhaati ka noqonaysaa dadka Madaxda ah ee Hargeysa fadhiya ama kuwa immika jooga ha noqoto ama kuwo soo socdo ha noqdaane inay kartidaas, dedaalkaas iyo fahamkaas leeyihiin ayaa iyagana waajib ku ah, laakiin anigu waan aamminsanahay Somaliland, wixii ka dhimanna in degdeg loo dhammeeyo ayay ila tahay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar oo Waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta Dalmar oo fadhigeedu yahay magaalada Huge ee waddanka Holland oo uu socdaal ku joogo.
Prof: Samatar oo la weydiiyey inuu hore si weyn ugu ololayn jiray Midnimada Soomaaliyeed, hase ahaatee Mashruuca ugu weyn ee Somaliland ka jiraa yahay gooni-isu-taaggeeda, taasina ay dhirbaaxo ku tahay midnimada iyo wada-jirka Soomaaliyeed, isaguna uu dhawaan u leexday dhinaca Somaliland oo uu qayb ka noqonayo taas, waxa uu ku jawaabay; “Anigu taariikhdaa inay Somaliland gooni u baxdo waxaan qayb uga noqday inay dadka reer Somaliland iyo Madaxdooduna ay sidaas gooni ugu goosteen waxay arkeen taariikhdii hore ee taas ka horreysay ee Jamhuuriyadda Soomaalida isku haynteedu inay khasaare badan iyaga u keentay oo ay nuugtay ayay isla garteen. Taana anigu waan soo arkay oo marka lagu yidhaahdo; ‘haddaad doonayso inaad waddankan ka taliso dee halkan ma tihide orod oo Hargeysa ka tag.’ Oo laga yidhi Casuumad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya dee wax kuugu hadhay markaa meesha ma jirto ee qof Ajaanib ah baad tahay.”
“Markaa, dadka reer Somaliland iyo aniguba weliba anigu goor dambaan gartaye waxay hore u garteen in Khayrkii laga sugayey Soomaali oo Jamhuuriyaddeedii la isku wado oo Xamarna u tahay xaruntii inay Khasaare iyaga u tahay, Hargeysana ay daabiyad noqonaysa, Burco ka sii darnaanayso, Boorama ka sii darnaanayso, Laas-caanood ka sii darnaanayso, Berbera, Ceerigaabo ka sii darnaanayaan, daabiyadaha yar-yarna hadalkoodaba daa, taas ayay garteen. Illaa maantana Walaalahayaga Somaliland illaa hadda cid na weydiisay oo tidhaahda waar bal arrintaas hallaga doodee soo bandhiga ma jirto, taasay reer Somaliland arkeen.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.
Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Laakiin, haa dhirbaaxo wayn bay ku tahay wada-jirkii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed. Laakiin, dadka loo diray Soomaali isku haynteedu ma reer Somaliland oo keliyaa, meeday masuuliyaddii ka saarnayd isku haynta waddanka Soomaalida Kenya meeday, Soomaalida Itoobiya oo calanka gees ka mid ahi metelayo masuuliyaddii ka saarnayd meeday, meeday Jabuuti oo gees calanka ka mid ahi metelayey masuuliyaddii ka saarnayd isku haynta Soomaalida, cidina kuma caydo, cidina kuma fadeexadayso, meeday Soomaalidii Talyaaniga ee Xamar fadhigeedu yahay ee Kontonkii sannadood ee u dambeeyey iyagu madaxda ka ahaa Jamhuuriyaddii Soomaalida meeday, halkay dhigeen Masuuliyaddii, weliba annaguna aannu kontonkaa sannadood ka qatanayn.”
Waxa uu sheegay inay Reer Somaliland iyo isaguba arkeen Maamullada Muqdisho ka jira iyo kuwa iman doonaba inay ku qatanaayeen kuwii hore, kuwa dambana faa’iido ka soo socotaa jirin, sidaa awgeed-na ay xaq u leeyihiin reer Somaliland inay aayohooda iyo mustaqbalkooda ka tashadaan. Isla markaana, ay waajib iyo xaq tahay in su’aasha uu kor kaga jawaabay la weydiiyo dhammaan Maamul kasta oo Soomaaliyeed iyo deegaan kasta oo Soomaaliyeed la weydiiyo, ka dibna Somaliland la weydiiyo marka ay kuwa kale ka jawaabaan.
Mar wax laga weydiiyey inuu labadii sano ee u dambeeyey sheegayey in jagada Madaxweynaha ee Soomaaliya ay isku koobeen keliya laba Reer, sidaa awgeed miyaan la odhan karin Somaliland lafteeda waxa ka jira Kooto sidaas oo kale ah? Waxaanu Prof: Samatar kaga jawaabay; “Waan kugu raacsanahay, oo waxaan idhi waar ha nalaga daayo Daarood iyo Hawiye inay isu dhiidhiibaan Kubbadda Gacanta (Madaxtinnimada) haddii dee waddanka la wada leeyahay labadii Kambani (Shirkadood) ee wax walba lahaa ha nalaga daayo (Kooto). Somaliland-na Isaaq iyo Samaroon aynu caddaynabee inay iyaguuni yeeshaan ma hagaagsana siday aniga ila tahay oo halkaasna boog baa ka furmaysa, inay iyaguuni wax isla leeyihiin oo iyaguuni ay qayb-qaybsadaan oo kolna Madaxweyne mid noqdo midna ku xigeen, kolna Madaxweyne iyo Ku-xigeen, halkaasna ma soconayso. Waxa weeye taa Soomaaliya iyo ta Somaliland labada-ba dadka halkaas ku nool, xuduudkana waa la yaqaannaa ee in dadka wada degaa ay wax wada yeeshaan weeye, waxay tahay in la is-weydiiyo sidee wax loo wada yeelanayaa?”
Prof: Samatar oo jawaabta uu su’aashaa kore ka bixiyey sii wataa waxa uu yidhi; “Inkasta oo aan tiro-koob rasmi ah oo la sameeyey sida loo kala badan yahay Soomaali oo dhan aanay jirin, haddana kala badnaansho wuu jiraa, laakiin anigaa badan waxba ma qabato haddaan caddaalad iyo sinnaani jirin oo aan talada iyo wada-lahaanshaha loo sinnayn. Markaa, Somaliland waxa la gudbooni waxa weeye in la dejiyo khiddaddii iyo farsamadii iyaduna aanay ku dhacayn in laba Xaafadood meesha yeeshaan, oo sida loo dejinayaa waxa weeye iyadoo Dastuurkuna oggol yahay dadka aan ahayn Samaroon iyo Isaaq ee dadka kale ee waddanka la leh in iyagana la arko damocooda siyaasadeed ee xalaasha ah weeye.”
Waxa uu Axmed Ismaaciil Samatar sheegay markii uu abuuray Xisbigii Hiil Qaran ee uu Muqdisho iyo Soomaaliya ka dhisay aanu deegaanka uu u dhashay ee Gabiley fadhiisan oo aanu halkaas wax ka doonin, balse uu tegay magaalada Muqdisho oo uu Xisbigaas ku bixiyey, Hanti, Maskax, Muruq, Wakhti iyo dedaal badan, isla markaana uu ka dhaxlay natiijo fiican oo ka duwan tii uu filayey, taasoo markii Hargeysa farta loogu soo fiiqay ee la ydihi halkan umaad dhalan sahashay inuu ku soo laabto Somaliland oo uu marka hore ka soo horjeeday. “Anigu Xamar baan tegay, Xisbi Hiil Qaran la yidhaahdo ayaan sameeyey, intaan Gebilay, Boorama ama Hargeysa fadhiistay kamaan soo caban, halkaa gamaan soo ooyin, halkaas kamaan soo degaal-galin, Xamar baan tegay, doorashadii baan ka qaybgalay, xoolaa nagaga baxay, waannu u dhididnay dedaal baannu samaynay, waa nalala garan-waayey.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Samatar.
Waxaanu Axmed Ismaaciil Samatar intaas ku daray oo uu yidhi; “Laakiin, waxaan soo dhaafnay meeshii ahayd intaad gurigaaga ku noqoto halkaa aad ka soo cabato ama halkaas aad ka soo dagaal-gasho, aniga waxay ila tahay maaha wax wanaagsan oo saxaya Kootada, waa in damacaagu miiska yaallaa, halkaasaa markaas lagu kala garanayaa inuu waxani yahay wax hoosta ka xidhan oo hoosta ka qufulan iyo in kale, markaad dadkaaga damacaaga soo hor-dhigto, qorshahaaga iyo barnaamijkaaga siyaasadeed soo hordhigto, tijaabadu waa halkaas. Dee Walaalahayaga Bariga taas baannu ka filaynaa inay keenaan Somaliland.”
Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, waxa kale oo uu sheegay inay jirto taariikh aan raadkeeda la tirtiri karin wakhti kooban oo ah tii SNM ee Somaliland ka xoraysay Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya, taasoo aanay ka qayb-qaadan Beelaha Darafyada Somaliland, balse ay Beesha dhexe ku guulaysatay xoraynta Somaliland, sidaa awgeedna ay su’aali ka taagnaan karto halka ay ku maqnaayeen Beelaha darafyadu, hase-yeeshee taas laga tegay oo wax la wada-yeeshay, isla markaana ay meesha ku jirto in la sii horumariyo oo wax badan oo lagu xaqiijinayo wada-lahaanshaha dalka la sameeyo. Waxa kale oo uu dhalliilay Abtirsiimada ay Siyaasiyiinta reer Somaliland u abtirsadaan Siyaasadda ee ah waa markayagii iyo wax la mid ah iyo nidaamka dimuquraaddiga ah ee Somaliland ka hirgelay aanay is-geli karin ee ay tahay in la kala saaro oo dimuquraadiyadda la hor-mariyo.
“Waxaan leeyahay walaalahayga Bariga waar Hargeysa iyo inta ku qayilaysa uun ha dhagaysanninee dooddiinna la kaalaya illeen dalka waynu wada leenahaye oo farsamada iyo qorshaha aad haysaan badka soo dhiga.” ayuu yidhi Prof: Samatar, waxaanu dhalliilay hadallada Siyaasiyiinta soo jeediya in dadka Bariga xaqooda la siiyo, taasoo uu xusay inay muujinayso wax aad leedahay ama cid gaari leedahay oo cid kale wax laga siinayo oo aan muujin karin wax wada-lahaanshaha.
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka jawaabyey su’aal laga weydiiyey inay jiraan Siyaasiyiin ka cabsi-qaba in dib u dhac ku yimaadda wakhtiga qabashada doorashada Somaliland taas iyo haddiiba ay dib u dhacdo waxa ka dhalan kara sida uu u arko, waxa uu yidhi; “Afrika waxa lagu yaqaannaa oo adduunyada kale ka reebtay oo iyadana madaxa isugu dhuftay dadkeedii Madaxda siyaasadda ee Kursiga ku dheg-ta. Halloo kordhiyo iyo dib halloo dhigo iyo haddii si wanaagsan loo macneeyo siyaasadda, horta halloo kordhiyo anigu waxaan qabaa xagga siyaasadda inuu yahay hadal wixiisa oo dhami musuqmaasuq yahay, siyaasaddana cadhaynaya, dadku inay ismaqlaan oo is-fahmaan oo kala-dambeeyanna baabbi’inaysa.” Waxaanu soo jeediyey inaan dib loo dhigin doorashada Somaliland, muddo-kordhin-na la samaynin ee la dhammaystiro ku-talo-galka wakhtiga doorashada iyo qabashadeeda. Waxaanu ku taliyey in la kala reebo doorashada Madaxweynaha iyo ta Baarlamaanka, maaddaama oo ay Somaliland tahay dal curdin ah oo aan dhaqaale badan lahayn.
“Waxaan ku talin lahaa in la kala reebo labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaan odhan lahaa ta Baarlamaanka halla qabto, ta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeen-kana laba saddex bilood oo lagu neefsado dib halloo dhigo, intaasna wixii farsamo iyo diiwaangelin ah halla sii dhammaystiro, laakiin muddo-kordhin iyo dib u dhac weyn haka foojignaadaan baan odhan lahaa, haddii taas la helo Somaliland waxay meelmarinaysaa dooddeeda 23-ka sano taagan iyo sumcadda ay caalamka ku leedahay.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Axmed Ismaaciil Samatar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment