Wednesday, September 17, 2014

Xeerka Diiwaan Galinta Madaniga Ahi Waa Sharci, Waana Xaqiijinta Muwaadinimada Somaliland-W/Q Hassan Suudi Hersi Siyaasi madaxbanaan

Somaliland waxay soo martay marxalado kala gedisan oo mid waliba ay leedahay waayaheeda,duruufteed, dhaqankeeda iyo hogaaminteeda taas oo aynu soo samaynay doorashooyin sida hoos ku qoran, oo mid waliba ay ku salaysnayd waayaha markaas taagnaa:-
1. Shirkii boorame oo ahaa asaaskii ugu adkaa ee lahaa qadarinta, Somalilandna u bilaabay waa cusub oo ku salaysan nabadgelyo iyo tartan loo maro siyaasada,
2. Shirkaas waxa ka soo baxay sii xoojin iyo dhaqan galin waji cusub leh oo nabadeed taas oo walaalaysay cidii iska soo hor jeeday meeshana ka saartay dareenkii colaadeed oo muddo ay ku jirtay Somaliland.
3. Waxa loo gudbay golayaal qaran iyo doorasho madaxweyne iyo ku xigeen loo siiyey fursad, inay sameeyaan geedi socod nabadaysan oo dimuqraadiyada ehel u ah.
4. 23 sano kadib oo la soo maray doorasho madaxtooyo, oo mid walba si lagu doortay waxa maanta la gaadhay oo Somaliland u bislaatay in marka hore la helo diiwaan galin madani ah oo xaqiijinaysa runimada muwaadinka, taas oo keenaysa in muwaadiniin sugani ay fursad u helaan inay codkooda ku doortaan cida ay doonayaan sida doorashada madaxtooyada iyo kuwa golayaasha. Waxa tijaabo fiican inoo ah oo aynu deris ka qaadanay doorashadii golayaasha degaanka oo ilaahay mahadii, dedaalka xukuumada iyo bisaylka shacbiga Somaliland ayaa inaga baajiyay khatartii ka soo baxday doorashada oo sababtu ahayd, diiwaan gelin la’aan. Waxa layaaba in xisbiga waddani oo uu guddoomiye u yahay, guddoomiyaha golaha baarlamaanka, oo ah ninka saddexaad ee ugu sareeya qaranka xil ahaan, inuu si dadban iyo si toosa uga soo horjeedo xeerka diiwaan gelinta madaniga ah oo hada horyaala golaha baarlamaanka, oo uu ka soo laabtay dubai toosna u yimid golaha baarlamaanka iyada oo ay doodu socoto, kadibna uu shirkii xidhay.
5. Waxaan ugu yeedhaynaa guddoomiye ciro isagana sharaf u ah, inuu furo dooda ay xaq u leeyihiin baarlamanku kadibna baarlamanku ansixiyo xeerka doorashada iyagoo xaq u leh, inay kaabaan kadibna laga doodo oo loo codeeyo, guddoomiyuhuna kaalintiisa shir gudoonka qaato, kana taxadiro inay dib usoo noqoto doodihii laga soo gudbay iyagoo ku mahadsanaa golaha guurtidu, ugu dambeyntii arrinta diiwaan gelinta madaniga ah waxa leh sharci ahaan wasaarada arrimaha gudaha, oo iyaga oo ku mahadsan dhamaystiray dhamaan qalabkii kaabayaasha diiwaan gelinta madaniga ah. Sida uu cadeeyey marar badan wasiirka arrimaha gudaha Mud: Ali Mohamed Warancade, lana hawl galiyey guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka.
6. Waxay dadku iswaydiinayaan hadaan la helin diiwan galin sugta muwaadinka, ma waxaynu fursad siinaynaa kumanaanka kun ee inagu dhex nool, oo hada aynu isku milanay, oo aynu suurad ahaan iyo af-soomali ahaanba isku mid nahay, mise waxa la doonayaa doorasho kushubasho ah.
7. Golaha baarlamaanka waa hay’ada sharci dejinta oo uu hada horyaalo xeerka diiwaan gelinta waxaanu ugu baaqaynaa inay ka gutaan kaalintooda dastuuriga ah ogaadaana inay doorasho xalaal ahi ku xidhan tahay, diiwan gelin xalaal ah, markaa intay meel iska dhigaan khilaafaadka samayska ah oo inta badani ay ku xidhan yihiin siyaasad kasoo jeeda qaabka inta badan uu doonayo guddoomiye ciro inay waafaqdo, rabitaankiisa ku waajahan doorashada madaxtooyada, taasoo uu u soo maray taalaabooyin isdabajooga oo qaarkood ay abuureen halis khilaaf, oo sigtay baarlamaanka marna suurtagal noqonmayso inay iswaafaqaan musharax xisbi iyo guddoomiye baarlamaan oo dhexa oo ku dhaqma dimuraadiyad, taasa keenaysa muranka baarlamaanka dhexdiiisa,markaas kaftan ahaan waxa layidhaahdaa ninka laba faras fuulay dhexda ayuu ka dhacaa, waxa haboonaan lahayd wakhtiga oo dhaw in guddoomiyuhu isku gacan baneeyo olalaha doorashada.

 

 

 

Hassan Suudi Hersi
Siyaasi madaxbanaan
Bashkail30@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment